Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Shahwada tayadeeda in sare looqaado waxay qayb muhiim ah katahay dhalmada. Qofba qofka kale inta uu ka nafaqo fiican yahay ayu kaga tayo sareeya.
Cunada laqaato nuuceeda qayb mug leh ayay ka tahay shahwada tiradeeda iyo tayadeedaba.
Maqaalkan waxaynu kuxuseyna dhowr Cunto badin kara Shahwada(Sperm).
1. Beeda(Ukun)
Ukunta waxay kulansata Barotiino(Proteins) iyo Nafaqooyin kala duwan sida Fiitamiin E(Vitamin E). Waxay unugyada kujira Biyaha raga kadifacan waxyeelada kala gadisan.
Dadka Madhaleyska ah inta badani waxa daciif ah/liita tirada ama tayada shahwada sida owgeed, Beeda Waxay kordhinaysa tirada iyo tayada biyaha.
Afogaadhada waxay kamid tahay Khudaarta kujira Fiitamiin E – Waxu sare uqaada taqayada Shahwada raga(Sperm).
2. Muuska(Moos)
Midhahan macaan waxa kujira Fiimatiin A, B1 iyo C, Waxu habdhiska taranka(Reproductive System) ka saacidaya in la soosaaro Shahwa(Sperm) Caafimaad leh.
Boromileyin(Bromelain) waa dhecaan Muuska laga helo, Caabuqa ayu ka hortag unoqon kara
3. Lowska(Nuts)
Lowska waxa kabuuxa duxbadan laakiin, Nasiib wanaagsan dux da kujirta waa nuuc Caafimaadka uwanaagsan.
Unsajaretad(Unsaturated) waa duxda laga helo lowska, Waxa uu unuga shahwada ka Saacidaya in laso saaro gidaarka unuga(Cell membrane).
Omega – 3 waa nuuc kale kamida duxda laga helo midhan qiimaha badan. Waxay badinaysa mugga(Volume) shahwada raga ayado kordhinaysa qulqulka dhiiga Xiniinyada.
4. Shukulaatada(Chocolates)
Shukulatada madow waxa kujira Barotiin ladhaho EL ARJININ. Ayado qofka uu qaato xadi aan badneyn waxu sare uqaadi kara mugga iyo tirada shahwada.
5. Rummaanka
Cilmibaadhisyada waxay tilmaamaan in laga helo Anti-oksidantis(Anti-oxidants). Anti-Oksidantisku waa maadooyin jidhka kadifaaca waxyeelo kala gadisan.
Waxay kalo maadooyinkani kordhinayan Shahwada. Faa’idooyinka kale Caafimaad uu leeyahay Rummaanta waxa kamida:
- Waxu yareeya raadadka gabowga
- Waxu sare uqaada Difaaca jidhka
- Waxu yareeya madooyinka dili kara Shahwada raga
6. Basasha(Onion)
Habka ay basasha ukordhiso shahwada iyo Rummaanka aad bay isugu dhowyihiin waayo, waxa kujira Anti-oksidan aan sare kuso xusnay.
Laakiin, Basasha Waxa kalo laga hela Falafonoydis(Flavonoids) oo ayadana qayb ka ah badinta Biyaha raga.
Koox Cilmibaadhisyada kamida waxay dhecaanka basasha kumudeen jiir/dooli – Waxay natiijadu noqotay inay kordho tirada Shahwada jiirka(Rat sperm).
7. Toonta
Toonta waxay caan kutahay xoojinta difaaca jidhka. Astaanta iyo faa’idada kale ay leedahay aya ah kordhinta:
- Shahwada
- Qulqulka dhiiga xiniinyaha
Hadii ay jiran Su’al Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Hawaaban inaad noogu soogudbiso qaybta Su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 12th/12/021
Maasha Allaah, runtii waa maqaal aad u faa’iido badan, aadna ay uga faa’iidaysanayaan akhristayaashiisu