Cinwan Hosedyada
Fakir Guud/Aragti Guud
Xabad sowdada waa geed ka baxa Aasiyada Koonfur Galbeed(Southwest Asia), Bariga dhexe, Koonfurta Yurub iyo Waqooyiga Afrika.
Nagela Satifa(Nigella Sativa) aya ah erayga cilmiga kudhisan ee xabad sowdada lagu dhaho halka magacyada afka qalaad lagu kala yidhahdo:
1. Balak Siid(Black Seed)
2. Balak kuyumin(Black Cumin)
3. Balak caraway(Black Caraway)
4. Nigela(Nigella)
5. Fenel falowar(Fennel Flower)
6. Roman kariyandar(Roman Cariander)
Geedkani cajiibka ah miraha yar uu soosaaro lagana sameeyo saliida waxay mararka qaar reer galbeedku ugu yeedhan BANASIYA – Panacea micna ahaan laga wado Daweeye Guud.
Saliida Xabad sowdada waxa lagu daweyn kara xanuun walba ayado Nabi Maxamed (N.N.K.H) inoo tilmaamay in lagu dawayn karo xanuun oo idil dhimashada mooye.
Abu Hurayra(R.A) – Al-Bukhaari (5688) and Muslim (2215)
Maxay ka kooban tahay?
Hal qaaddo(Malqacada shaaha) xabad sowda ah wax yaabaha kudhex jira waxa kamida:
No: | Nooca: | Cabirka: |
---|---|---|
1. | Kaloori(Calories) | 0 |
2. | Barotin(Protein) | 0 gram |
3. | Dux(Fat) | 5 gram |
4. | Karbohaydaretis(Carbohydrates) 0 grams | 0 gram |
5. | Faybar(Fiber) 0 grams | 0 gram |
Xusuusin:
Kaloori waa qayb kamida tamarta.
Faybaris waa qayb kamida Karbohaydaretis, jidhka madheefshiidi karo.
Sido kale waa Il(Source) aad ugu wanaagsan:
- Kalshiyam(Calcium)
- Ayron(Iron)
- Sinki(Zinc)
- Kobar(Copper)
- Siyamin(Thiamin)
- Niyasin(Niacin)
- Fosforas(Phosphorus)
- Folik Asid(Folic Acid)
Faa’idada Caafimaad Ay Leedahay
Waxay hoos udhigta:
1. Caabuqa
2. Culeyska Jidhka(Buurnida)
3. Sonkorowga
4. Kolistarolka(Cholesterol)
5. Neefta
6. Xanuunada kudhaca dheefshiidka
7. Kansarka
F.G:
2021ka Cilmibaaris lagu sameyay jiir(dooli) aya lagu tilmaamay inay xabad sowda hoos udhigtay culayska jiirka iyo iska caabin insulin ta lagu sameyo.
Insulin waa hormone xakameya sonkorta dhiiga dhexmaraysa.
Waxa kalo loo adeegsan kara in lagu daweyo in dusha laga mariyo Findoobka I.W.L.AH
Hadii ay jiraan su’aal laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 26th/04/022