Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Baytaraafku(Baarbiyeeto) waxuu kamid yahay qudrada la’isticmaalo waana mid sidhifdhif ah loogu arko suuqa qudaarto lagu iibiyo. Maanta waxaan diirada saari doonnaa faa’idooyinka uu leeyahay

1. Caafimaadka maskaxda ayuu tayeeyaa

Caqliga iyo garashadu way yaraataa hadba qofka marka  uu gaboobo (duqoobo) ama da’ noqdo waxaana siibadanaysa ilowshaha qofka ayna kadhalan karto xaalad  aykamid tahay Dimenshiya(Dementia).

Dimenshiyadu waa  xaalad qofka kuyaraatoa ama lumiyo xusuusta sido kale awoodi kariwaayo in uu wax cusub barto midaasi ay sababi karto in uu yaraado qulqulka dhiiga ee maskaxda  lkn waxa arintan wali baarayaal kala duwan isku dayayaan in ay wax badan kasii ogaadaan.

Marka baytaraafku waxa laga helaa naytaretis(Nitrates),Naytaretisku waa acid awood u leh in uu dibciyo dhuumanka dhiiga(Blood Vessels).

Waxu kordhiya qulqulka dhiiga Maskaxda gaar ahaan qaybteeda hore faroontaal luub(Frontal Lobe) waana halka qaabilsan haday noqoto Fakir,Go’aan gaarida, Qorsho dajin iyo waliba shaqsiyada qofka.

2. Waxa uu hagaajiyaa wax qabadka orodyahanada,dadka jimicsiga sameeya

Naytaretiska(Nitrates) sido kale waxa uu jidhka kacaabiyaa soo saarida tamar kufilan si loo dardargaliyo howsha ay qabtaan unugyada kala duwan.

Waxaa tijaabo lagu sameeyay labo group gaadhaya sided ilaa tadoba nin markay cabeen kadib 17 ansi (Ounce) oo baytaraaf ah udhiganta(500ml)  waxayna wadeen lix maalmood marka natiijadu waxay noqotay in 1525% ay ugu korodhay awooda joogtada jimicsiga.

Waxaa muhiim ah inaad ogaataan naytaretiska laga helo baytaraafku  jidhka waxuu kujiri karaa labo ilaa saddex saacadood marka waxaa fiican 2 saacadood kahor inaad cunto ama cabto intadan jimicsiga biloobin.

3. Waxa uu ladagaalamaa caabuqa(Inflamation)

Baytaraaf-baarbayeeto

Baytaraafku(Baarbiyeeto) waxaa laga helaa betaleynis(Betalains) kasoo  yareeya caabuqa kudhaca kelyaha, Beerka iyo wadnaha sidooo kale waxaa la arkay in uu hoos udhigo cudurada keena lafaxanuunka.

Waxyaaba baytaraafka ay iskaga midkayihiin wax tarka caafimaad ee:

  1. Muuska(Mooska)
  • Waxa uu wanaagiyaa dheefshiidka
  • Waxa uu tayeeyaa caafimaadka kalyaha(Kidney health)
  1. Shaaha cagaaran
  2. waxa uu yareeyaa baruurta muuqaalka jidhkana wuu hagaajiyaa

Hadii ayjiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Fadlan Lawadaag saxibadada mise dadka kale adiga oo adeegsanayo Social iconka kaaxiga dhanka bidix.

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 03th/07/019

Updated On: 05/07/021

.

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply