Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Faa’idooyinka qaraha uu leeyahay ma’ahan kuwa laso koobin karo laakiin, Halkan waxaynu kugu sogudbinayna 6 kamida faa’idooyinka uu leeyahay.

1. Waxa uu kaacaabiyaa in uu kaagooyo haraadka(oonka)

Waxan ognahay Cabitaan biyaha inay muhiim u tahay jidhkeena, Silohelo iskudheeli tirnaan dhamaystiran, in laqaato midhaha ay kubadanyihiin biyahana waxay fursadkale usii noqonaysaa jidhka inuu kafaa’idaysto sida qaraha, sababto ah 92% waxa kujira biyo badan waa sababta aad udareento dherganaan markad cunto kadib.

2. Waxa uu kakoobanyahay nofaqooyin kala duwan

Xabxabku waxaa lagu tiriyaa in uu yahay kan ugu kalooriga(Calorie) yar oo micnaheedu aytahay xadiga biyaha in ay kabadan yihin marka labarbar dhigo kan nafaqada.

Jeex qare aad cunto mise hal koob oo qara ah aad cabto Xadiga kalooriga waxaa lagu tiriyaa 46 kaloori oo udhiganta 154 garaamis(grams). Sidoo kale halka koob oo xabxab ah waxaa laga helaa nafaqooyin badan oo kala duwan ay isugu jiraan Fiitamiino(Vitamins) iyo Biro(Minerals) sida:

B. Fiitamiin C (Vitamin C) 21% waxa ay unugyada (cells) ka ilaalisaa dhaawac inuu soogaadho.

T. Fiitamiin A (Vitamin A) 18% waa kan noosuura galiya inaa habeen wax aragna, sido kala waxa uu qabtaa in aan kalasaari karno midabada kaladuwan sida casaan(Gaduud),Baluug iyo huruud(Jaalo).

J. Botaasiyam (Potassium) 5%  Botaasiyamta jidhka waxa ay ka caabisaa in ay yareyso caadiska dhiiga ayna kalyaha si heer sare ahna ushaqeeyaan, waa sababta kadambaysa marka uu qofka cuna xabxabku inu suuliga kulablaabto(Kaadi badan).

X. Magniisiyam (Magnesium) 4% waxay isku dheelitirtaa shaqada murqaha iyo dareemaha,waxay taageertaa difaaca jidhka sido kale waxay kaqayb qaadata in ay lafuhu noqdan mid adayg ah.

Kh. Fiitamiin B1,B5 iyo B6 3% waxay kahortagaan cuduro faran badan, jidhka waxay kacaabiyaan in uu tamar soosaarto.

Waxaa muhiim ah in la ogaado nafaqooyinkaas ansare kusoo husnay  in barasantajyada aan siinay aykabadan karaan waa hadii aad badsato koobabka waayo anaga waxaan hadaa tusaale ahaan usoo qaadanay halkoob oo kaliya ama jeex yar.

Xabxabka waxa kaloo laga helaa  Karootinoyid(Carotenoids) oo kala ah Beta karotin(beta-carotene) iyo alfa karotin(Alph-carotene) oo jidhka ubadalan doona Fiitamiin A (Vitamin A).

waxaa kaloo laga helaa Barootin kale oo lagu magacaaba laykobin(Lycopene) oo ah barootiinka siya xabxab midabka casaanka(Gaduudka) dabcan tomadhada waa laga helaa waana caseeyaa(gaduudiyaa) sidoo kale fa’idooyinkale waaleeyahay aykamid tahay unuga inuu ilaaliyo(Cell protection).

3. Waxaa uu kahortaga kansarka(Cancer)

Baaritaano ay sameeyeen Nashnal kansar Inistitiyut(National Cancer Institute) oo kadhisan USA ayaa cadaynaysa in waxyaabaha laga hela qaraha ay ka mid tahay Laykobinta(Lycopene) ay yareeyaan kansariska qaar  ayadoo hoos ay udhigayaan baarootiinka loo yaqaano Insolin Layik Garoth factar(Insulin-like Growth factor). IGF waa barotin qayb ka ah inuu dardargaliyo taranka unugyada.

Laykobinta iyo Fiitamiin C da waxa ay awood uleedahay inay kahortagaan caabuqa(Inflamation) joogtada ah waliba kubooda soo jiitama.

4. Waxa uu wanaajiyaa maqaarka iyo timaha

Labada Fiitamiino oo kala ah Fiitamiin A(Vitamin A) iyo Fiitamiin C (Vitamin C) waxay tayeeyaan maqaarka iyo Timaha ayagoo sijoogta ah ugu howlan inay buuxiyaan baahiyaha lasoo gudboonaatey oo aykamid tahay in uu maqarka noqdo mid Qalayl ah ama  in dibloocusboonaysiyo unugyada . sidoo kale timaha waxay kadhigaan mid adag oo aan daadan.

Faa'idoyinka Qaraha

Waxyaaba Xabxabku ay iskaga midkayihiin wax tarka caafimaad ee Muuska aan wiigii  hore kaga soo hadalnay:

1. Maruqyada ayuu kadhigaa mid firfircoon aan daalnayn marka qofka waxaa uu noqonayaa mid firfircoon ah

2. Waxa uu wanaagiyaa dheefshiidka

Hadii ayjiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 01th/07/019

Updated on: 04th/07/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply