Cinwan Hosedyada

Fakir Guud/Guud Mar

Karkade waa nuuc kamida shaaha, Waxa laga sameya geedka afka qalaad lagu yidhahdo Rosela(Roselle) halka lagu cilmiga kudhisan lagu dhaho Hibiskas Sabdarifa(Hibiscus Sabdariffa).

Geedkani waxu bixiya ubax caajiib ah oo laga sameyn karo  shaah mise sharaab kul iyo qabo laakiin, intaan labaduba laga dhigan waxu ubaahan yahay marka hore in qaleel laga dhigo.

Karkade pics, waa sawir muujinayo Geedka Karkadega.

Karkade waa magac arabi ah waxu kaso jeeda dhul arbeed

Afrika aya ah qaaradda asal ahaan uu kaso jeedo gaar ahaan dalalka kala ah:

  1. Masar
  2. Sudan

Dalkeena Hooyo inu kabixi karo iyo in kale masheegi karno laakiin, Waxa macqul ah in lagu beeran karo waayo cimilada lagu beerta ah kul iyo ciid madow xigeen ah.

Waxay dadka qaar adeegsadan xiliyada maamuuska iyo marti soorka sida Aroosyada iyo Xafladaha ayado geedkani lagu tixgalinayo inu leeyahay dhadhan lamahdiyo.

Faa’ido Caafimaad ma leeyahay?

Dunida intabadan waa laysku waafaqsan yahay in geedkani uu kamid yahay geedaha laysku daweyo halka Cilmi baarisyada cadeynayan  faa’idoyinka qaar uleeyahay laakiin, wali xog badan lagama haysto.

Koobka shaah karkadega ah waxa kujira:

NoNoocaCabirka
1.Kaloori(Calories)80
2.Dux(Fat)0
3.Barotin(Protein)0
4.Faybaris(Fiber)0
5.Sonkor(Sugar)20

Faa’idooyinka Guud uu leeyahay:

Karkadega - karkade - Galolmedicine
Waxu ka hortaga
  • Bakteeriyada(Bacteria)
  • Infakshanka(Infections)
  • Caabuqa
Waxu hoos udhiga
  • Kolistarolka(Cholesterol)
  • Harraadka(oon)
Waxu kordhiya
  • Tayada dheefshiidka
  • Kaadida

F.G:  Shaaha karkadega laga sameyo waxa kujira Faytamin C (Vitamin C). Faytaminkani waxu faa’ido mug leh uleeyahay jidhka.

Waxu fudaydiya:

  1. Korinka iyo dayactirka nudayasha
  2. Caafimaadka Nabradda
  3. In jidhka dib loogu soo nuugo birta(Iron)

Hadii ay jiraan Su’aal Laxidhidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo gudbi Qaybta Su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 24th/04/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply