Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Siigada waa hab la isaga keeno mannida/biyaha ayado la adeegsanaayo Gacan, Far mise Aalado kale.
Rag iyo Dumar aya ku dhaqaaqi karo Siigaysiga. Sababaha ugu waawayn ay usameeyan waxay tahay inay dareeman mid udhiganta farxadda laga helo Galmada.
Xiliga Siigada Jidhka Maxa Ka Dhex Socda?
Illaaheey S.W.T Jirkeena wuxu ku abuuray Dareemo kala duwa sida Farxad, Murugo, Caro iyo Xiisayn.
Xaaladahan siday ukala duwan yihiin ayay sido kale ukala dubnaan karan Hormonada jirkeena laga soo daynayo.
Diirada hadan saarto hormonada laso daayo xiliga Siigada waxa kamida:
Dopamine(Dobamin)
Hormonkani waxa loogu magac dara Farxada iyo Qanaacada(Satisfaction).
Sababto ah waa kan laso daayo waxwalbo farxad laxidhiidha sida Galmada, Guusha, Cuntada iyo marka lagu abaalmariyo mise lagu Dhiiragaliyo.
Endorphins(Indorfinis)
Damqashada iyo Xanuunka inu yareeyo ayu ka shaqeeya. Wuxu kalo xakameeya Niyada, Walwalka iyo Murugada.
Oxytocin(Oksitosin)
Magaca Reer galbeedku ay ula baxeen Hormakani waa Jaceyl. Hormonka Jaceylka sababta loogu bixiyay waxay tahay inuu xoojiyo Xiriirka iyo isku-xirka labada Shakhsi Rag iyo Dumar.
Testosterone(Testostiron)
Xiliga Galmada ay socoto aya laso daayo Hormonkan. Wuxu xubinka taranka siya abood dhanka kacsiga ah.
Prolactin(Borolaktin)
Kani wuxu ka qayb qaata Niyada iyo farxada. Waxa kalo laso daaya Xiliga Hooyada ay Nuujinayso.
Dhibaato Maleedahay?
Siigaysiga badan waxay leedahay dhibaatoyin kala duwan oo isugu jira ruux ahaan iyo jidh ahaanba. Dhibaatoyinkeda mayara, laakiin waxan kuso koobayna ilaa 7:
1. Waxay disha kalsoonida qofka uu ku qabo Naftiisa
2. Waxay yareysa rabitaanka galmada caadiga ah
3. Waxay kala fogaysa Nin iyo Xaaskiisa
4. Waxay yareysa Dhaqaalaha
5. Waxay keensata inu qofka gudan waayo waajibaadka saarnaa ee asaasiga ah
6. Waxay keenta daal iyo caajis aan dhamaad lahayn
7. Waxay keenta inu qofka waxba dhagaysan karin iyo diirad la´aan
Faa´ido maleedahay?
Fikrado badan Siigada laga rumaysan yahay aya jira. Waxad maqlaysaa qaar dhahayo faa´idooyin ayay leedahay ayago ku tilmaamaya in laga helo Firfircooni badan iyo farxad.
Xaqiiqda aya ah Farxada iyo firfircoonida laga helaayo inay tahay mid ayka dambeeyso Shalaay, Shaki, Cabsi, Walwal, Walbahaar iyo dhibaatoyinkan sare kuso xusnay.
Waxan kuso gabagabeeynaya anaga inan nahay dad Muslim ah. Diinteena nooma ogola waxwalbo dhibato nogaysanayo, Silamida Culimada badidooda Siigada waxay ku xukmiyan inaan la ogoleen.
Haday Jiran Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Ku Dhufo Halkan).
Mahadsanid,
Last Updated on 1 week by Mas’ud Sayed