Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Calaamadaha Uurka, Uurka waa mudada ay Hooyada ilma galeenka kusido uur jiifka. Waxu bilowda bacriminta ukun/ugxanta kadib kuna egyahay dhalmada kadib.

Haweeney walba waa ay kagadisantahay Haweenka kale, Waxan dhici Karin dhamaan Hooyoyinka Uurka leh inay Calaamadahan isku wada arkan.

Mararka qaarkood aya dhaca in uurka 1aad uu kaga Calaamado duwanyahay kan 2aad.

Laakiin, Dhamaan waxay intabadani kuwada simanyihin Caado istaag iyo Misaan korida(Weigh gain).

Calaamadaha caanka ah lagu aqoonsado Uurka waxa kamada:

Waa jaantus muujinaya Uurka

1. Caado Istaag

Hadii Habluhu gaadhan da’da lagu qaangaadho iskana waayaan wareegtada bilwalbay isku arkaan(Caadada), waxa dhici kara inay uur leedahay.

Sidokale Calaamadani waxa lagu qaldi kara Caado wareerka(Caadada aan joogtada ahayn)

2. Xanuun iyo barar laga dareemo Naaska

Isbadelada kuyimaada jidhka Hooyada gaar ahaan Hormonada waxay keeni karan in uu naaska unuglado xanuun(pain), Taana waxay qaadaneysa intu jidhka laqabsanayo isbadelada kaladuwan.

Xididada naaska aya dibada uso muuqankaro sidokale, ibta naaska wey yaramadobata dibadana way uso baxda.

3. Lalabo

Lalabada ay hooyadu yeelaneysa waxu lasocon kara matag mise matag la’an, waxay Hooyada dareemi karta xili walba sida maalin mise habeen.

Aqoon buuxda lagama heysto waxa sidhaba ukeena laakiin, waxa larumeysan yahay inay qayb kayihiin isbadelada Hormonada.

Monin Siknes(Morning Sickness) micna ahaan loogu jeedo Xanuunka Subaxa ayaa afka qalaad lagu dhaha lalabada iyo mataga Hooyadu lagu arko Subaxa.

Lalabada waxay uurka kadembeysa bil halka haweenka/naagaha qaar aan lagu arkin Calaamadan.

4. Kaadi badan

Hooyo Uur leh

Xiliga Hooyada uurka leedahay waxa korodha wareega dhiiga taana waxay kelyahay kukeenta inay saaraan biyo badan.

5. Daal

Daalka waa Calaamada ugu sheegashada badan,Isbadelada Harmonada qaar ayaana ugu wacan inay Hooyada dareenta Daalka ama Kacsanan. Harmonada waxa kamida Barogistironka.

Daalka hadu Uurka laxidhidho waxa wanaagsan inay Hooyada qaadato Nasasho kufilan iyo Cunada laga helo Barotiniska.

6. Dhadhan iyo Ur doorsoon

Horaanka Uur waxay hooyada isku aragta inu isbadel kuyimaaday dhanka dookha Cunada iyo Sharaabka sida Cunada dookha iyo dhadhanka ulaha inu waxkale lanoqdo.

Waxay intabadan nuuca dhadhanka kuqexaan sida Birta(Metallic Taste).

7. Uur miyan leeyahay?

In ay Hooyadu Uurleedahay waxa lagu xaqiijin kara Tijaabada Uurka (Pregnancy Test – Baregnansi Testi) iyo Cambayutarka  lagu baadho Uur kujirta(Ultrasound –Altarasawun).

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan hawaaban inaad noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 15th/02/2021

Updated: 07/05/023

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply