Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Calaamadaha Foosha mararka qaar waxay noqon karan mid khiyaano ah(waxay dhacan adiga oon fahansanayn).

Waxa inta badan filimada lagadaawada in ay sifudud ilmaha kudhalanayaan, Waxa lagu jila inay Hooyadu dareento xanuun kooban kadib, silamafilaan ah uu kuso muuqdo ilmaha.

Fooshu waa habka ay Caruurta ilma-galeenka ugu soobaxan, waxu bilowda marku isuso ururo ilmo-galeenka.

Calaamadaha foosha ugu caansan waxa kamida:

Calaamadaha Foosha(Signs of Labor)

1. Waxa khiifiif noqonaya/yaraada ilmo-galeenka

Ilmo-galeenka qaybta hoos waxa lagu magacaba Serfikis(Cervix), Foosha kahor dherer ahaan waa 3.5 cm(Centimeter) ila 4cm laakiin, hadii ay foosha bilaabato waxu noqonaya mid khafiifa mise yaraada.

Waxa dhici kara inay hooyada dareento xanuun aan badnayn mise xanuun la’aan.

2. Waxa furma Serfikiska

Serfikiska inuu furmo waa Calaamad kale lagu aqoonsado foosha, waxay tiimka(Kooxda) Caafimaad ee kudaryeelaysa Cabirayan inta centimeter(cm) serfikiska furmay, waxu kubilowda Eber(0) kuna dhamaada toban(10).

Saacada hore inuu serfikiska furmo waxu qadanaya wakhti (Si tartiib ah ayu usoconaya) laakiin, marku sogadho 7cm, waxu kuconaya sidhaqsi leh.

Waayo waxa korodhaya isu-ururida uu samaynayo ilmo-galeenka.

3. Waxa korodha dhecaanka xubinta taranka (Vaginal discharge)

Xiliga ay hooyadu uurka leedahay waxa serfikiska xidha dhecaan adayga, Si bakteeriyada(Bacteria) loogu ilaaliyo inay gasho ilmo-galeenka.

Marka ay fooshu sodhobaato, Waxa dhecaankasi adayga ah uso dhaqaaqa dhanka xubinta taranka hooyada, taana waxay hooyadu kukeeni karta inuu korodho dhecaanka ka’imanaya x.taranka. dhecaanka waxa lagu aqoonsankara:

  • Waa dhecaan nadiifa
  • Waxu leeyahay midab casaan khafiifan(khafiif ah, aan badnayn)

Waxa macquul ah dhecaanka inuu foosha maalmo kaso horeeyo mise inuu bilowdo xiliga hooyadu ay foolanayso. Hadii uu jiro dhiigbax badan sida kan Caadada fadlan laxidhiidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow.

4. Waxa hoos uso daadaga ilmaha

Madaha ilmaha waxu uso daadaga dhankan miskaha(Pelvis). Waxay hooyadu dareenta fudeyd, nidaamkan waxa afka qalaad lagu yidhahda laytanin(Lightening).

Micna ahaan loogu jeedo fudeyd. waxa sidokale isbadela qaabka caloosha.

5. Waxa dillaaca xuubka ilmo-galeenka

Ilmaha kujira ilmo-galeenka waxu kudhex dabalanaya dhecanka lagu magacaabo Amniyotic fulud (Amniotic fluid), waxa dhecaankasi isku haaya xuub lagu magacaabo amniyotic sak(Amniotic sac).

Xilga foosha waxa dillaaca xuubka Amniyotic, kadib hooyadu waxay isku aragta dhecaan aan badnayn ka imanaya xubinta taranka.

Waxu dhecankasi noqonkara mid sijoogta ah usocdo mise mararka qaar soconayo.

Hadii aad dhecaankasi isugu shakido fadlan laxidhidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow.

6. Waxa bilowda Xanuunka Foosha

Bilooyinka ugu dambeya uurka, waxay hooyadu wajahi karta xanuun udhow kan foosha, waxa xanuunkasi afka qalaad lagu yidhahda Barakiston Hikis Contarakshan (Braxton hicks contration), waxa sidokale lagu magacaabo foosha beenta ah (False Labor).

Xanuunka foosha runta ah (True labor) waxa lagu aqoonsada:

Calaamadaha Foosha

1.Xanuun joogta ah.

2.Xanuun laga dareemo Caloosha iyo Dhabarka, gaar ahaan qaybta hoose.

3.Xanuunka Kuma xidhna dhaqdhaqaqa iyo booskad useexato.

Hadii ay jiran su’aal laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On:22th/06/2020

Updated on: 27th/01/022

Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply