Cinwan Hosedyada
B. Hordhac:
Isku-kaadintu waa marka uu qofku isku kaajo asagon ugu talagalin kuna jiro hurdo, Afka qalaad waxa lagu dhaha Nayid tayim-Inkontinansi (night time incontinence), sido kale waxa jira magacyo kale sida (Bet-wetting, Nocturnal enuresis).
Guud ahaan, inay isku kaajaan Caruurta da’dooda ay kayartahay 7 jir waa wax iska-caadi ah, waxay na qayb katahay caadooyinka ciyaal koriinka samaynayo. laakiin, hadii ay siisocoto qofka waalidka ahi waxa lagudbon in laga helo dulqaad iyo faham laxidhidha halka ay waxkaqaldanyihin.
Aqoon looma lahan xiliga saxda ah ayjoojinayan ciyaalka inay iskukajan laakiin, Caruurta intoda badani xajista kadida waxay bartan da’doda marka ay gaadho 5 jir.
Caruurta ugu badan ee isku kaaja da’doda waxay udhaxeysa 5 ila 7 jir halka inta kale ay da’dodu dhaftey 7 jir iskuna kaadiya waa tiro anbadnayn.
T. Gorma ayan dhakhtar adi kara?
Ciyaalka intoda badani iskooda ayey iskagajojiyan laakiin, waxa dhici kara xaalado qaar ubaahan inaad lakulanto dhaqtarkaga mise dhaqtarka kugu dhow, waxa kamida sida:
1.Hadii uu ilmaha iskukaajo ayado da’disu tahay 7 jir mise kabadan
2.Hadii uu canuga dib ubilobo iskukadinta adigo horey ku oga inu jojiyey
3.Hadii uu canuga daremayo xanuun marka uu kaadinayo mise kacabanayo haraad daran(oon), kalarka kaadida badalanto, saxarada dhibkunoqota iyo kuurin/qurin(xiliga hurdada)
G. Maxa keena?
Cidina ma’oga waxa keena isku-kaadinta laakiin, waxa jira waxyaabo uhorsedi kara ilmaha, waxa kamida:
1.Kaadi-haystaha oo yar
Waxa lagayaba, in ay kaadi-haystaha udhamaystirnayn koriinkii loogu talagalay, sidaa owgeed caruurta nuucani ma’abodan inay xajistan/siihaystan kaadida xiliga hurdada.
2.Isudhalitarnan la’an kajirta hormoniska(Hormones)
Caruurta marka aykujiran da’da ciyaalnimada waxa jira hormone lagu magacabo (ADH) qaabilsan inuu yareyo kaadida xiliga hurdada, hadii uu hormonekasi shaqadiisa gabo waxa dhici kara inu iskukajo.
3.Infakshan kudhaca Tuunboyinka qaado kaadida
Hadii canuga uu qaado infakshankan, waxa lagu arki kara sida iskukaadin, xanun inuu dareemo xiliga kadida, silamafilan ah in uu iskukaajo maalinti.
4.Mararka qaar waxa dhici kara
Hadii ay caruurta kabararan qanjidhada dhuunta laga helo, waxay kukeenan cabudhnan iyo inay dhibkunoqoto hawa qadashada sida daraded, waxa macquul ah inay iskukaadinta aylasocoto xaladaha noocan oo kale.
5.Macaanka(Sonkorow)
X. Yaa unugul?
Isku-kaadinta cidkasta ayaa lagu arki karaa laakin, waxa inta badani lagu arka wiilasha (Boys) marka labarbardhiga gabdhaha/Inemada(Girls), waxa unuglan kara sida:
1.Caruurta Cadaadiska(Stress) iyo baqdinta badan
2.Hadii laga dhex helo familkaga(Qoyskaga) qof kamida horey uqabay
3.Caruurta qaba dhimirka (Psychiatric problem)
Kh. Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Hadii aan ladoweynin, Ciyaalka waxay kukeeni karta sida:
1.Inu isu arko dambiile
2.waxay hoos udhigta shakhsiyadda ilmaha
3.waxa uu noqonaya qof kasoocan bulshada(Isolated child)
F.G:
(Qofka waalidka ahi waxa lagudbon in laga helo dulqaad iyo faham laxidhidha halka ay waxkaqaldanyihin)
[ratings]
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 25th/11/019
Updated on: 25th/06/2020