Cinwan Hosedyada
Hordhac
Hiiqdheer halka afka qalaad logu dhaho Bertusis(Pertussis),Faylanti kof(Violent Cough) wuubin cof(Whooping Cough) ama kof of handared deyis(Cough of hundred days).
Waa xanuun keena bacteeriya lagu magacaabo Borditela bertusis(Bordetella pertussis). Xanuunkan intabadan waxu kudhaca caruurta aan lagatalaalin.
Sanada 1900, Jules Bordet iyo Octave Gengou waxay indha-indheen kusameyen xaako aykasoo qaadeen canug yar laxanunsanayay Hiiq-dheer da’diisuna ahayd 5 bilood kadib,
Waxay ogadeen bakteeridan in ay umuqaal dhowday bacteeriya kale oo lagu magacabo Himofilis infaluwensa(Haemophilus Influenza) laakin, aysan ayada ahayn.
Kadib 6 sano Bordet iyo Gengou waxay kugulaysteen inay sameeyaan Midiyam ay isku magacaabeen lagu magacaabo Bordet-Gengou Medium oo kacaabinayo inay kukala saaraan waxyaabaha xanunka ayku dhaliso bakteeriyadan.
Bordet iyo Octave waxay sidoo kale daahqaadeen talaal xanunkan la’isaga difaaco laakin talaalkan waxuu ahaa mid liita, Inta udhaxaysa 1940 ila 1949 waxaa jira dhaqaatiir lagu kala magacaabo Dr. Pearl Kendrick and Dr.Grace Eldering oo dahqaday talaal tayadiisu aysareyso.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) dalkeena soomaaliya waxay kadiiwaan galisay in kunkiiba caruur ee dhashaba 200 kamida ay xanuunkan udhintaan, waxay sidoo kale tilmaantay in 30% ilaa 40% kaliya ay yihiin kuwa laga tilaalay 6 da xanuun ee caruurta unugul yihiin.
Side ayuu kufafi/fidi kara?
Sida aykufaafto Hiiq-dheerta waxa kamida:
1. In uu dhibanaha qaba xanuunkan hawada uraaciyo qofkale sida hindhisashada ama qunfac
2 .In silamafillan ah lotaabto dhecaan mise candhuuf qof horey uqabay meel kutufay
3. Galaas mise koob uu waxkucabay in la’isticmaalo ayada oon la’iska maydhin ama cuno(cunto) uu haafkucunay in dibloocuno
Calaamahada lagu arko maxay tahay?
Xilihuuriska Hiiq-dheertu waa 7 ilaa 10 malmo laakin way dhici karta inay dib udhacdo. Kadib xilihuuriska calaamadaha xanuunkani uuyeelanayo waxu lamid yahay Hargabka sida:
1. Duuf kada’a sanka
2. San cabudhnaan(Ciriiri)
3. Qandho anbadnen
4. Qufac
Marxaladani waa marxalada 1aad, waxa lagu magacaba (Catarrhal Phase) waxu soconayaa 7 ila 10 malmo.
Kadib asbuuc mise 2 asbuuc calaamaduhu waykasii darayan. Dhecaan adag ayaa ku urura dhumanka hawadu ay marayso taana bukaanka waxay kukeenaysa inuu bilaabo qufac aan laxakamayn Karin, qufaca hadii uu qaato waqti waxa lasoconkara:
1. Matag
2. Qofka oo wajiga kacasaada
3. Daal xad dhaaf ah
4. Qufac aylasocoto dhawaaq(Hiiq)
Waxaa dhici kara in dad badan aan lagu arkin qufaca aylasocoto dhawaaq, mararka qaarna waxa lagu arka Caruurta da’dooda ayka sareyso 8 ama dadka wawayn halka Ciyaalka yarna ay dhicikarto in anlagu arkin wax qufac ah laakin, lagu arko in ay naafsashada dhibkunoqota.
Marxaladani waa marxalada 2aad, waxa lagu magacaba(Paroxysmal phase) waxu soconaya 1 ila 6 asbuuc waxa dhici kara inuu gadho 10 asbuuc.
Inta kadib xanuunka waxu ugudbaa marxalada ugu dambaysa waxa lagu magacaba(Convalescent phase), waxu soconaya 7 ila 10 malmo waxa lagu garta inay soo fiicnaato xalada bukaanka.
Sidee loodaweeya?
Fadlan Laxidhiidh dhaqtaarkaga hadii aad isku aragto mise aad ku aragto caruurtada:
1. Matag
2. Waji casaan/gududan
3. Hadi neefta ay kudhagayso
4. Qufac dhawaaq leh
Dhatarkaaga waxuu kaacaabin doona sida lodaweyo xanuunkan insha’allah.
Waayo cida unugul?
Waxa unuglan kara qof kasta aan laga talaalin Hiiq-dheerta gaar ahaan caruurta an laga talaalin Hiiqdheerta, da’doduna kayartahay 12 jir mise caruurta aan talaalka loodhamaystirin .
Maxaa loga hortaga?
Qaabka ugu wanaagsan ee xanuunkan la’isaga difaaco waa talaal ayadoo dhakhtarkaga uu raacinayo labo xanuunkale talaalkood kala ah (gowracatada iyo tetanada).
Waxa lasiyaa caruurta marka ay da’dooda tahay:
2 bilood, 4 bilood, 6 bilood, 15 ilaa 16 bilood, 4 ila 6 sano
Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Inta badan Hiiq-dheertu wax dhib ah dhibanaha umakeento laakin, hadii ladawenwayo wax dhici kara sida:
1. Feedhaha inay jaban
2. Eerno mise Eerna in lagu arko Caloosha
Caruurta yari waxaa lagu arki karaa infakshan kudhaca habdhiska neefsashada
Hadii ayjiran su’aal laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 20th/07/19
Updatd on: 02/03/021
Updated on 29th/02/2020