Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Hablobaas(Busbus) halka afka qalaad loogu garanayo jiken bokis(Checken pox) ama Varisela(Varicella) waxa uu kamid yahay xanuunada aadka ufida kuna fida muda yar.
Sanadka ugu horeysay ee magacan loogu yeedho waxuu ahaa1658 dii lamana oga sababta loogu bixiyay magacan lkn waxa jira aragtiyo kala duwan oo mujinaya sababta magacan kadambaysa.
Xanuunkan waxaa dhaliya fayras(Virus) lagu magacaabo Varisela sustar fayras(Varicella Zoster Virus).
Inta badan xanuunkan waxuu kudhacaa caruurta da’dooda ayka hoseyso 2 sano jir waxay na ubadan tahay hadii caruurta uu kudhaco halmar marlabaad in uusan soonoqon.
Side ayu kufafi kara?
Habla baasku/busbuska aadbuu ufidaa waxa uuna kufidi karaa sida:
1. In uu dhibanaha qaba cudurkan hawada uu raaciyo qofkale sida hindhisashada ama qunfac oo kale
2. Ayado silamafilan ah lotaabto dhecaan mise candhuuf qof horey uqabay uu meel kutufay
3. Galaas uu waxkucabay in la’isticmaalo ayada oon la’iska maydhin ama cuno(cunto) uu haafkucunay in dibloocuno
Maxay yihiin Calaamadaha lagu garto?
Xilihuuriska hablabaasku waa 10 ila 21 maalmood kadib waxaa lagu arkaa sida:
1. Daal
2. Qandho
3. firiiric(Finan) cuncun leh, waxay kamid tahay calaamada ugu caansan ee lagu garta xanuunkan sidoo kale finankan waxay maraan marxalado kala duwa 2 mise 3 maalmood kadib sida:
B. Waxay noqdaan casaan(Gaduud) kuna baahaan jidhka oodhan
T. Waxay noqdan biyo galeen wayna dilaacmaan
j. Waxay noqdan qalayl kadibna way bogsadaan
X. Rabitaanka cunto in uu yaraado
Yaa unugul?
Waxaa unugul cudurkan sida:
1. Hadii uu xanuunkan horey kuugu dhicin
2. Hadii anad qaadan talaalka cudurkan la’isaga difaaco
3. Hadii aad kashaqeyso meelaha caruurta lagu daryeelo
4. Hadii aad lanooshahay caruur
5. Marka uu kuqaadsiyo qofka qaba xanuunkan
6. Da’daada markay kahoosayso 12 sano jir
Side lodaweeyaa?
Hadii aad ugu shakiso caruurtaada xanuunkan fadlan waxaad laxiidhiidhaa dhaqtarkaaga ama dhaqtarka kuugu dhow si aad ugu hesho dawoyinka ama talooyin quseeya xanuunkan.
Side logu hortaga?
Xanuunkan waxaa loogu hortagi karaa talaal ama inaad caruurtaada katalaasho xanuunkan
Hadii ladaweenwaayo maxaa dhici kara?
Waxaa dhici kara sida:
1. Fuuqbax
2. Infakshanka inuu kubaaho jidhka oodhan gaar ahaan sambabada iyo Maskaxda
3. Bukaanka inuu shook galo
4. Dhimasho
Hadii ayjiran su’al laxidhidha Maqaalka fadlan noogu soogudbi Qaybrta Su’aalaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 05th/08/019
Updated on: 03/07/021
Hablo boasts Ana busbuska ilmaha loo sameeyay talaalkiisa waa sidee isagana ma ku dhici kartaa
Su’al:
Ciyaalka laga tilaalay xanunkan maku dhici karaa?
jababtu waxay noqonaysaa maya inta badan lama arko.