Hordhac

Caruurta iyo Dhibaatada Shaashadaha waxa ka dhaxeeya xiriir, Kaaso dhibaato wayn ku ah Bulshada. Dunidan ku noolnahay hadad Dhinackasto ka eegto waxa kaaga muuqan kara Shaashado(Screens).

Waxa laga yaaba Barogaramada qaar ay Caruurta Shaashada ka daawadan inuu noqdo mid ku saacidaayo Waxbarashada.

Sida owgeed, Waxa Waalidka Mararka Qaar Caqabad ku noqon kara inuu lasocdo Saacadaha iyo Daqiiqadaha Shaashada ay ku qaateen.


Waxay waxyeelaysa Koriimada Maskaxda, Barashada Luqada, Araga Indhaha iyo Xirfada wax Akhriska, Waxa kalo inta dheer Dabci badelan, Diirad la´aan, Miisaan korid iyo Cuno Xumo.

Maskaxda Caruurta iyo Dhibaatada Shaaashadaha

Sidee Ayay Isbadaladaasi Taban Kudhacaan?

1. Koriimada Maskaxda

Caruurta Sanadaha uhoreeya Maskaxdoodu waa curdan, Waxbadana ma kobcin, Sanadaha hore waxay wax kabartaan Deeganka kuharaysan ee ay kunoolyihiin. Ilmaha da´doodu 2 sano kayartahay garaadkoodu ma gaarsiisana inay fahmaan waxyaabaha Shaashadaha kadhaqdhaqaaqa.

Sanad iyo bar(18 bil) markay Caruurta jirsadaan ayay Dhakhaatiirka aad kula Taliyaan Waalidiinta inay Caruurtoda Tv yada, Moobeelada iyo Guud ahaan waxyaabaha Shaashadaha leh inay ka fogeeyano ka Ilaaliyan.


18-da bilood uhoreyso noloshooda aya laysku

waafaqsan yahay inuu gaaro dhibka ugu badan.

2. Barashada Luqada

Caruurta waxay luqada ka Bartaan waalidka iyo Dadka kuhoreysan. Maskaxda qaybteeda qaabilsan luqada ayu khalkhal galiya Tv ga iyo waxyaabaha kale Shaashadaha leh. Ilmaha wuxu noqonaya mid aan isku dhibin barashada luqada oo Tilmaan un kusocda sidii Qof Maqal adag(Dhagool)!


Maskaxdoodu waxay galaysa Jihawareer laxidhiidha labada luqadood

(Mid Tv ga kabaxdo iyo tan Hareerahooda loogu hadlo) Miduu laqabsan laha.

3. Araga Indhaha

Dhibaatada araga aya noqon karto mida ugu yar marka lalabarbardhiga kuwa kale. laakiin dhibaato ahaan mayara. Dhibaatadan kaliya kuma koobna Caruurta waxa kale lawadaaga Dadka waawayn, Waxa afka qalaad lagu dhaha Dijital Aay Istareen (Digital Eye Strain).


Digital Eye Strain qofka qaba waxa lagu arki kara

Indha Casaan, Madax Xanuun, Indho qaleel, Daal iyo Wareer.

4. Xirfada Wax Akhriska

Wax akhriska waxu dowr wayn kaga jira waxbarashada, Caruurta la qabsaday Caadana unoqotay Daawashada Shaashadaha waxa had iyo jeer caqabad kunoqota inay wax Akhriyan, Xitaa majecla inay iskudhibaan. Sababta aya lagu tilmaama inay wax Sawirka kadoorbidaan Akhriska.

Taasi aya ka dhigaysa mid Khatar ku ah Hayaanka waxbarasheed ee Mustaqbalkooda.

5. Dabci Badelan

Muuqaalada midabada iyo Cododka kala duwan leh ay daawanayaan Caruurta waxay toos ugu dhacaayan Maskaxdooda. Hadii si joogta ah loo daawadsiyo mise loo ogolaado Shaashahaha waxay maskaxda ku keenta Buuq, Kacsanaan iyo Cadaadis badan.

Sidaa owgeed, Taasi ayaa keenayso in ilmaha Qaylo iyo Buuq badan lagu arko. Nasiib daro Waalidiin badan aya tani uqaadanayo inu kawado Ilmaha Kibir iyo Madax adayg. Waxa kalo dhici karta in Dilid (Garaacis) iyo Canaan loogu sii daro.


Tv ga mise Moobeelka marka ilmaha laga qaado aya aad loogu arka arimahan sare kuso xusnay.

6. Diirad(Foojignan) La´aan

Maahsanaan, Bahsanaan, Maqnaasho hadba sidaad utaqaano aya ah miday aadka udareeman Waalidiin badan. Waxa Ciladani lagu qaldi kara xanuun kalo ladhaho Atenshan Dificid Haybar Aktifiti Disodhar(ADHD). ADHD waa xanuun ku badan wiilasha marka lala barbardhiga Gabdhaha(Inemada).

Xasilooni la´aan, Firfircooni xad dhaaf ah iyo Diirad la´aa aya lagu arka Caruurta leh.

7. Miisan korid iyo Cuno Xumo

Hormoonada Dheraga iyo Gaajada waa kuwa Dhambaal udira Maskaxda labadan xaalado marka la rabo in mida taagan laxaliyo (Gaajo mise dherag). Dhecaanadaasi aya hoos udhaca marku ilmaha Saacado badan Shaashadaha daawado, Mana dareeman Gaajo iyo dhereg toona.

Waxay taasi keenta laba xaaladood aan fiicnayn :

B. Hadii waalidka uu sugo intuu gaajo ilmaha ka dareemayo waxa dhacaayo Nafaqo daro, waayo waxa lumaayo Saacadaha Caadiga ah canuga cuntadu ku qaadan laha.

T. In Hooyadu ilmaha Tv ga asago daawanayo cuntaysiiso, Maskaxdo daawashada Shaashada ku maqan aya keensanayso in Ilmaha wax badan Cuno kadibna Miisaan badan Fuulo.

Goorma aya Caruurta Tv ga iyo Aaladaha Shaashadaha leh loo ogolaada?

Su´aashasi Jawaabteeda waxa loo eega Da´da Ilma Sida:
  • Caruurta 2 Sano kayar waxay Dhaakhiirta badidooda isku raaceen inaan loo ogolaadan Shaashada. Hadii ay dhacdo in lagu madax adkaado loo ogolaado wuxu ilmaha lakulmi kara Dhibaatoyinkan Sare kuso xusnay.
  • Caruurta 2 Sano da´doodu dhaafto in Shaashadaha loo ogolaado Saacado Go´an (Kooban) sida ugu badnaan Maalintii 1 Saac.

Waxa kalo qurxoon in Waalidka uu kudadaalo waxyaabaha uu ilmaha Shaashada ka daawanayo inuu noqdo mid Waxbarashadiisa kor uqaadaayo.

Marka da´da Caruurta laga yimaado, Waxan Wanaagsanayn:

  • In Caruurta loo shido(Shaashada lagu tuso) wax da´dooda ka wayn
  • In Caruurta Tv mise Mobeel lagu Seexiyo
  • In Caruurta ayago Tv daawanaayo la Cuntaysiyo

Waxan kuso gabagabaynayna In waalid walba Illaaheey ku Manadaystay Caruur ay Mas´uuliyad gaar ah Saaran tahay iyo guud ahaan qofwalba wax un Masuul ka ah, Maalin una laxisaabinaayo.

Siduu Nabi Maxamed N.N.K.H. Noobidhamiyay Nabaray.
كُلُّكُمْ رَاعٍ، وَكُلُّكُمْ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ´´
Sahih al-Bukhari 7138


Hadii Ay Jiraan Su´aalo Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo gudbi Qaybta Su´aalaha (Kudhufo Halkan).

Mahadsanid,

Last Updated on 1 week ago by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply