Cinwan Hosedyada
Guudmar/Fakir guud
Caruurta suulka nuuga waxay Cilmi baadhisyada qaar cadeynayan kudhobad 70% ila 90% Caruurta ay yihiin kuwa suulkooda nuuga.
Jaaqida suulka waxu kamid yahay Caadoyinka caanka ah Caruurta qaar ay yelayan.
Maxay tahay sababta Caruurta qaar Suulkooda ujaqaan?
Caruurta waxay leeyihiin falcelin afka qalaad lagu magacaabo Sakin Rifalakis(Sucking reflex), Micna ahaan loogu jeedo falcelinta nuugida taana waa wax aykudhashano illaaheey S.W.T kubeeray.
Falcelinta nuucani waxay caruurta kusababta inay jaqaan farta mise suulka.
Nuugidda suulka waxay Caruurta kahelaan deganaanshiyo iyo aamin, Caruurta qaar xita waxa dhici kara inay jaqaan suulkoda xiliga ay doonayan inay gam’aan mise hurdaan.
N.B: Ma ogtahay in Caruurta suul nuugidda ay kaso bilobi karan marka ay kujiraan ilma-galeenka!!!
Ilaa imisa ayay Caruurta ku qaadanaysa?
Caruurta badidooda suul nuugidda iskooda ayay iskaga joojiyaan gaar ahaan, markay da’dooda udhaxeysa 6 ila 7 bil halka qaar kale ay kujoojiyaan da’da 2 ila 4 jir laakiin, waxa dhici kara inay siiwadaan.
Mararka qaar ayaa waxa dhaca Caruurta horey ujoojiyay nuugidda suulka inay dib ugu laabtaan gaar ahaan, marka ay caruurta wajahayan Cadaadis fara badan(During stress time).
Gorman Caruurta kajoojiya?
Inta ay caruurta ka ilkadhacsanayan wax dhib aha malahan inay suulkoda nuugaan laakiin, hadii ilkaha horaanka ah dhacaan, waxu saameyn kuyeelanaya dhanxanagga(qaybta sare afka) iyo siday ilkaha xariiqda usameynayan.
Khubarada qaar kamida waxay soojedinayan Caruurta in laga joojiyo caadadan inta aysan da’dosa gaadhin 3jir .
Halka Machadka Ameerikanka Caruurta qaabila(American Academy of paediatrics) tilmaamayan inay adagtahay in caadadan laga joojiyo caruurta da’doda kasareysa 5 jir.
Sideen ugu joojiya?
Caruurtaada kala hadal arimaha Nuugidda suulka, waxay ubadan tahay inaad caadadan kajoojiso hadii aad adeegsato xeeladahan:
1.Abaalmarinta
Inaad Caruurtada ku abaalmariso dadaalkooda sida inad hadiyad yar siiso xiliyada ay joojiyan Nuugidda suulka, gaar ahaan xiliga hordaday radinayan iyo marka ay Tv daawanayan.
2.Aqoon uyeelo waxa kukiciya suul nuugidda
Waxad ufiirsata waxyaabaha uhorseedi kara inay suulkoda nuugaan Tusaale; xiliyada cadaadiska, Hadii ay dhibaatadu Cadaadis tahay fadlan iskuday sixeeladaysan inaad uxaliso.
3.Xusuusinta
Mararka qaar ayaa waxa dhici kara inay is alaabaan deedna bilooban nuugidda suulkoda, xiliyadan oo kale waxa waalidka lagudboon inay sameeyan xusuusin aan ahayn qaylo iyo dhaleeceyn oo ay utudhan caruurtoda.
Dhakhaatiirta qaar waxay soojeedinayan in la adeegsado xeelado qalafsan sida:
Suulka ilmaha in loomariyo waxyaaba qadhaadh ah mise in suulka lagu duubo faashad.
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka Fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 07th/12/2020
Updated on: 03th/12/021