Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Jadeeco  halka afka qalaad logu yidhahdo Miisalis (Measles) waxay kamid tahay xanuunada aadka ufida kuna fida muda kooban.  Magaca kale afka qalaad loogu yaqaano waa Rubiyola (Rubeola).

Xanunkani waxa uukudhici karaa da’kasta laakiin, waxaa lagu tiriyaa in uu caruurta aad ugu badanyahay gaar ahaan kuwa da’dooda aykayar tahay 5 sano.

T.Maxa keena? Sidese ayu kufidi kara?

Jadeecada waxaa keena ama sababa infakshan fayras ah(virus) lagu magacaabo Baramiksofayras(Paramyxovirus) waxu waxyeelenkara habdhiska neefsashada, Xanuunkani  waxa uu kufidi kara mudo kooban, Sida uu fidi kara waxa kamida:

1.In uu dhibanaha qaba xanuunkan hawada uraaciyo qofkale sida hindhisashada ama qunfac

2.Ayado silama filan ah lotaabto dhecaan mise candhuuf qof horey xanunkan uqabay uu meel kutufay

Fayraska Jadeecada sababa waxa uu awood buuxda uleeyahay in uu kunoolaado saacado badan oogo(Surface) kabaxsan habdhiska neefsashada sida qof Gacantiisa ku hindhisoday.

J.Ururka Caafimaad aduunka maxu kadiwangaliyay? Maxase lagu aqoonsada jadeecada?

Jadeecadu (Measles) caruurta aadka uyaryar way udhimankaraan, baadhitaano aysameeyaan Ururka Caafimaad Aduunka(WHO) waxay sheegayaaan sanada 2014ka xanuunkan in ay udhinteen caruur gaadhaya 114,900 aduunka oo idil.

Calaamadaha lagu garto jadeecada:

1.Qufac(qunfac)

2.Xumad(Qandho)

3.Indhaha oo casaada(gaduud)

4.In uu ilmaha dhibsado iftiinka

5.Murqoxanuun

6.Sanka in uu kabiyoodo ama in waxyaabaha biyaha oo kale sanka kasoodaata

7.Cunaha in uu damqado(xanuuno)

8.Afka dhexdiisa in lagu arko nabro yaryar midabkooduna uuyahay cadaan, afka qalaad lagu yaqaano (Koplik’s spot) waxa uukamid yahay calaamaha ugu caansan ee lagu arko cudurkan

9.Maqaarka oo dhan in lagu arko firiiric ama finan(rash)sidoo kale  waxa uukamid yahay calaamaha ugu caansan ee lagu arko cudurkan kana soobilowda wajiga qaybtiisa hore kuna baaha jidhka intiisa kale.

Fadlan hadii aad caruurtada ugu shakiso calaamadahan laxidhidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow sidad ugu hesho taloyin iyo dawoyinka kuhabon. Mahadsanid,

X.Waayo cida unugul xanuunkan?

Inta badan waxa uukudhacaa caruurta aan qaadan talaalka cudurkan la’isaga difaaco (Vaccination) ayada aan bulshada kubaraarugsaneen faa’idada uuleeyahay talaalka.

Kh.Hadii ladaweenwaayo maxaa dhici karo?

Jadeecadu waxay keeni kartaa xaalad caafimaad deg deg ah sida:

1.Infakshanka inuu ugudbo sanbabada ama maskaxda

2.sidoo kale dhegta in uu caabuqkudhaco

3.bukaanka in uu araga beelo

Hadii ay jiran su’alo laxidhidha casharka fadlan noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 9th/03/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply