Cinwan Hosedyada

Naaska hooyada waa halka ugu muhiim Caruurta kahelan nafaqooyin kala duwan. Nafaqooyinka kala duwan waxa si saa’ida ugu baahan jidhkooda dhalmada kadib.

Waxay isugu jiran Nafaqooyinka waweyn (Macronutrients) iyo kuwa yaryar (Micronutrients) oo aan horey qaybaha hore kaga sohadalnay.

Hadii ilaaheey ogolaato, Waxan maqaalkan diirada kusareyna sida Nafaqooyinka waweyn iyo kuwa yaryar loogu kala helo Naaska hooyada.

B. Karbohaydaretiska(Carbohydrates)

Naaska Hooyada

Laaktos(Lactose) waa qayb kamida karbohaydaretiska, Nuucani waa kan ugu badan laga helo Naaska Hooyada.

Boqol(100ml) mililitir kastaa oo Naaska Hooyada kamida waxa kujirta 7 garam laaktos Sida owgeed, Laaktoska waa halka ugu muhimsan laga sameeyo tamarta.

Oligosakraytis(Oligosaccharides) waa nuuckale kamida karbohaydaretiska, waxa uu muhiim uyahay Caruurta in uu kadifaaco infakshanka(Infection).

T. Baruurta ama Dux(Fats)

100 mililitir(ml) kastaa Naaska Hooyadu kamida waxa kujirta 3.5 garam Baruur ah

J. Barotiiniska(Proteins)

Barotiiniska laga helo Hooyadu tiro iyo tayo ahaan, waa uu kaduwan yahay kan xaywaanada kale  sida kan lo’da.

Barotiniska kujira Naaska hooyada waa mid kuhabon Caruurta, waxa lagu qiyaasaa 100 mililitir kasta in ay kujirto 0.9 garam oo barotinis ah.

Barotiiniska kujira Naaska waa kuwa ka khafiifan kan laga helo Caanaha lo’da, waxay taa kaga dhigan tahay inay Caruurta qaadan karaan, waayo  Caruurta yar jidhkooda ma’awoodo in uu qaato Barotinis badan mise culus.

X. Fitaminiska(Vitamins)

Naaska hooyada waxa laga hela Fiitamiinis iyo Minaraalis kufilan caruurta laakiin, hadii hooyadu tahay qof ay kuyartahay fiitamiiska.

Taa waxay caqabado kunoqonaysa ilmaha lajaqsinayo/nuujinayo. Waxa kalo jira fiitamiinada qaar ay kuyaryihiin Naaska hooyada sida:

  • Fiitamiin D(Vitamin D)
  • Fiitamiin K(Vitamin K)

Siday Caruurta uhelaan fiitamiinadaasi muhiimka ah, Waxa jira:

Fiitamiinadani ayago diyaarsan lana siyo caruurta

Mise Caruurta in ladhigo Cadceeda/qoraxda subaxda hore(inta aysan kululan).

Kh. Miniraliska(Minerals)

Dhalmada kadib, waxa wanaagsan in Caruurta lasiyo/qatan Fitamin K(Vitamin K) siloogu hortago dhiig bax. Ironta iyo Zinkiga(Zinc) waa laga helaa naaska hooyada laakiin, waa xadi kooban kuna filan.

Naaska hooyada iyo Difaaca Caruurta

Naaska Hooyada iyo Caruur Faraxsan

Wax yaabaha Caruurta aykahelayaan Naaska Hooyadu kana difaaca Infakshanka waxaa kamid ah:

1. IMiyuno galoobiyulin A(Immunoglobulin A)

Waxa uu kudahaaran yahay Mindhiciryada, kana difaaca Bakteeriyada in ay dhexgasho unugyada

2. Unugyada dhiiga Cadcad(WBCs)

Waxay abood buuxda uleeyahiin in ay dilaan noolayaasha xanuun dhaliya ah

3. Barotiiniska

Barotiiniska kala ah Laysozayim(Lysozyme) iyo Laktoferin(Lactoferrin) Waxay dilaan:

  •  fayraska(Virus)
  • Bakteeriyada(Bacteria)
  • Fangay(Fungi)
4. Oligosakraytis(Oligosaccharides)

Waxa ay Bakteriyadu udiidaa inay kudhagto gidaarada mindhiciryada.

Hadii ay jiraan su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan hawaaban inaad nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 26th/10/2020

Updated On: 14th/12/021

Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply