Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Boronkiitadu waxay kamid tahay xanunada aadka logaranayo, waxa afka qalad loogu yedha Boronkiyolitis (Bronchiolitis). Dadka intoda badani waxay kuqaldan xanunkale lagu magacabo Boronkaytis(Bronchitis).
Xanunkan waxa uu kudhaca habdhiska nefsashada, gaar ahaan hawamarenada kuwooda yaryar. Waxa lagu arki kara dadka waweyn laakin, waxu kubadanyahay caruurta da’doda udhaxaysa 2bil ilaa 14 sano jir, labada sano ugu horeysa waa xiliga ugu badan uu kudhaco ciyaalka.
T. Ila imisa nuuc ayey leedahay? Maxase keeni kara?
Boronkiitadu waxay leedahay 2 nuuc, labadasi nuuc waxay yihiin:
1. Fayral boronkiyolitis(Viral bronchiolitis)
Waxay kudhacda ciyaalka da’dodu aykayartahay 1 sano, waxaa keena fayras lagu magacaabo Risbayratori sansishiyal fayras (Respiratory Syncytial virus), waxay inta badani dilaacda xiliga jilalka.
Fayrasyada kale keeni kara waxa kamida:
- Adinofayrasis (Adinoviruses)
- Infaluwensa fayrasis (Influenza viruses)
2. Boronkiyolitis oblitiranis (Bronchiolitis obliterans)
Nuucani waxa uu kudhaca dadka waweyn laakin, intabadan laguma arko. waa xaalad halis ah (Dangerous condition) waayo waxa adkanaysa in ay Hawamarenadu sidooda caadiga ah dib ugu solabtaan caabuqa kadib.
Waxyabaha keeni kara waa waxyabo xadidan(xogbadan lagamahayo) laakin waxa la’aqonsaday in ay keeni karan sida:
A. Qiiqa/uurada ayku dhexjirto Kimikada sida Amoniya(Ammonia), bilij(Bleach) iyo kolorin(Chlorine)
B. Infakshanada kudhaca habdhiska nefsashada
J. Maxa lagu aqoonsada?
Maalmaha hore calamadaha lagu arko xanunkan waxa uu lamid yahay kuwa hargabka, waxa kamida sida:
1. Duuf kada’ sanka
2. Cuno xanuun
3. Qufac
4. San cabudhnaan(Ciriiri)
5. Madax xanuun aan badnayn
6. Hindhiso
7. Qandho aan badnayn
Maalmo Kadib waxa lagu arka sida:
1. Neefsashada oo cidhidhi noqota
2. Daal
3. Kalarka maqarka waxu noqda sida midabka buluga ah, waayo waxa kuyar hawada(Oxygen)
4. Qufac
5. Dhibanuhu waxu boobsiya neefsashada
X. Maxa lagu daweya?
Inta badan boronkiitadu umabahna wax dawo ah, waxey caruurta iskooda iskaga bogsadaan inta udhaxaysa 2 ila 3 asbuuc. Tiro yar caruurta kamida ayaa dhici karta in ay sihayso inkadan mudasi.
Hadii aad guriga kuhayso caruur qaba Boronkiitada waxa lagaga bahanyahay inaad sijoogta ah ugu warhayso ilmaha yar. fadlan laxidhidh dhakhtar kaga hadii aad darento inay xaaladu kasii dareyso.
Kh. Gorma ayaan dhakhtar adi kara?
Waxad ubahantahay inaad aado dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow:
1. Hadii ayku adkaato inuu neefsado mise aad maqlayso codgaar ah
2. Hadii uu ilmaha boobsiinayo neefsashada
3. Hadii aad kari waydo inaad kiciso
4. Hadii uu neefsanwaayo
5. Hadii aad maqaarka ku aragto inuu midab doorsomayo sida midabka buluga ah
D. Yaa unugul?
Boronkiitada waxa unuglan kara sida:
1. Ciyaalka difaaca jidhkoda uu hoseyo
2. Ciyaalka hooyadooda naas aan jaqsin/nuujin
3. Ciyaalka dhiciska ah mise kuwa kudhashay xaalado laxidhidha wadnaha mise sambabada
4. Ciyaalka lagu agcabo sigaarka
5. Ciyaalka kunol guryaha cidhidhiga ah
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qaybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 11th/11/019
Updated On: 05/11/021
Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed
Wan fahantay lkn waxa sababi kara hadi Rux u ka cabanayo neefta uu qaadanayo oo marmar dhibto , Chest ka oo xanuno marmar , Xabadka ila Caloosha oo kulel u ka daremo qofkas .
Mahadsn
Yahye Abdulkadir Osman kuso dhawo Galolmedicine,
Waxan kuwaydinaya ilaa gormu isku arkay calaamadas aad inoo sheegtay?
Wan fahanay lkn maxa sababi kara hadi Rux u ka cabanayo neefta uu qaadanayo oo marmar dhibto , Chest ka oo xanuno marmar , Xabadka ila Caloosha oo kulel u ka daremo qofkas .
Mahadsn