Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Calaamadaha Uurka dhabta ah waa kuwa ka soocan sumadaha Kale. Waxa jira Calaamado Hooyadu markay isku aragto ay Uur isugu shakiso iyo Calaamado dhabta ah muujinayo inay leedahay Uur.
Calaamadaha qaar xiliga Hooyadu xanuunsantahay aya u ekaanaya sida kuwa Uurka sida owgeed, lama dhihi karo Calaamadaha sida Caado istaaga iyo madax xanuunka Uurka kaliya ayay gaar uyihiin.
Waxan hore ugu hadalnay Calaamadaha Uurka(Halkan kudhufo). Maqaalkani waxan diiradda kusaarayna waxyaabaha bidhaaminaya Hooyadu inay Uur Leedahay:
Hormone ka HCG
Human chorionic gonadotropin(hCG) waa hormon laga soo daayo Ibidda(Placenta) gaar ahaan xiliga Hooyadu Uurka leedahay.
Ibidda mise Mandheerta waa xubin ku meel gaar ah. Waxa ay ku dhagantahay darbiga ilma-galeenka.
Kaadida mise Dhiiga aya raadka hormonkani laga arki kara ayado lasamaynayo Tijaabadda Uurka(Pregnant test).
Ultrasound
Kani waa Qalab ay isbitaaladda badidooda adeegsadaan. Waxa laga ogaada dhamaan Xaaladda guud uurjiifka. Wuxu kalo bidhaaminaya da´da uur jiifka iyo Xiliga ay ku beegantahay dhalmada ayado laga qaadanayo Celceliska xiliga Dhalmada.
Maxa Gudboon hadaad Uur isugu Shakido?
Hooyo walba Uurka leh waxay ubaahan tahay daryeel gaara si loogu hortago dhibkasta Hooyada iyo uurjiifka wax yeelayn kara.
Hadii aad isugu shakiso uur fadlan Laxidhiidh Dhakhtarkaaga mise Dhakhtarka kuugu dhow. Marwalbod Xili hore Dhakhtar Lakulanto waa mar kastod uhelayso xili hore Adeega ladhaho BIRINETAL KEER(prenatal). Hooyadu waxay helaysa Adeeg iyo Talo Caafimaad xiliga lagu guda jira Uurka.
Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Kudhufo Halkan).
Mahadsanid,
Last Updated on 2 weeks by Mas’ud Sayed