Cinwan Hosedyada

 Fakir Guud

Caado Xun Sidee loo Joojiya waa su´aal ay dad badani isway diyaan. Intan uguda galin su´ashani jababteda, Waxan isku dayayna inaan isla fahano Caado waxay tahay.

Caado qofwalba ibni´aadam ah wuu leeyahay taana wax kama qaldana. Waa kuwa noloshaada ku leh saamayn Togan sida inaad Aroor kasto kalahdo(hurdada ka kacdo) kadib howlahaaga muhiimka ah qabsato, ay ugu horeyso Salaada Subax.

Dhanka kale, Caadooyinka aan wanaagsanayn waxa kamida Cabidda Sigaarka, Daawashada Aflaamta xun xun iyo Been sheegidda  I.W.L.M.A.

Qof walba raba inu caado xun joojiyo kuna badala midkalo fiican waxa horyaala caqabado udheexa labada caado.

Caqabaduhu waa sida adigoo bariig mise buundo uga gudbaayo laba marxalado midna ay xuntahay inaad ku nagaato mida kalana ay kuhorseedi karto nolol qurxoon iyo Barwaaqo.

Laakiin waxan kugu bushaaraynaya inaad ka adkaan karto caado kasto xun.

Waxan maqaalkan kugu soogudbinayna ilaa 5 Qodob kugu saacidi kara Hayaankan Cusub.

caado xun sidee loo joojiya

1. Diyaar Garoow

Markad isku dayayso inaad joojiso Caado xun, waxyaabaha ugu muhiimsan waxa kamida inaad Naftaada usheegta inaad kusocoto wado aadan hore uqaadin.

Si feejignan leh naaftaada ugu dhaadhiciso inaad wajahayso dareemo isku dhaf ah,Sida Raaxo laa´aan, Madax xanuun aan badnayn.

2. Xusuuso sababtad ujoojinayso

Diiwaangali mise meel ku qor sababaha ugu waawayn kugu riixayo inaad caadada xun joojiso. waxay Maskaxdaada udiyaarinayso muhiimada ayleedahay in lajoojiyo caadadan.

Su´aalahan oo aad jabaabahoda uhesho aya kugu caabin kara hayaankan inaad ku guulaysato:

B. Maxa kugu carinayo(ku fudaydinayo) inaad dib ugu noqoto?

T. Maxay yihiin talaaboyinka yaryaron samaynayo igu dheeri galinayo inaan guulaysto?

J. Maxad ku badalaysa boosta caadadan xun?

3. Badel Diiraddaada

Isbadel marka lagu samaynayo Caado xun, Waxa dhici kara inaad damacdo inaad dib ugu noqoto caadada xun.

Fariintan ay maskaxdaadu kuso dirayso ah in laraba dib in loo noqdo(Caadada xun in lagu noqdo) waa wax iska caadi ah. Waa meesha ay kukala tagaan Guusha iyo Guuldaradda.

XEELAD: Intaad ku noqon lahayd badelkeeda  Diiraddada Ku Badel Xeeladahan:

Xeelado kugu Saacidi kara inaad Caado xun joojiso
  • Aad Socsocod
  • Kubad Ciyaar
  • Qofkale lasheekayso sida wicitaan mise Inaad utagto
  • Qubays aad
  • Jimicsi Samee
  • Haday dhacdo inaad ku noqoto, HA IS DHIIBIN ku Celi Isku Daykale.

4. Naftaada Abaalmari

Waxyaabaha Naftaada iyo Adiga idinka dhaxeyo markad halmeel ugu soo jeesataan ayay keensanaysa inaad yeelano kalsooni.

Yoolkaaga markad ku guulaysato Abaalmari Naftaada, Sida inaad goobaha qurxoon aado, Wax cusub iibsato, Cashada mise Qadada meel aado.

5. ILLAAHEEY Taladaada Udhiibo

Waxa biyo kama dhibcaan ah in aboodeenu ay xadidan tahayo koobantahay Sida daraaded, Howl kastod ku howlan tahay, Heer kastod Nolosha kataagan tahay haka tagin waajibaadka Illaahey nasaaray oo ay ugu horeyso 5 ta salaado.

Waxan kuso gabagabaynayna, Markaad dadaal walbod latimaado kadib talada Illaaheey udhiib hoogimaysidee.

Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha (Kudhufo Halkan).

Mahadsanid,

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply