Cinwan Hosedyada

Jabaabta iyo Fa’idooyin Guud

Liinta Diirkeda mise Qolofka Wajiga Malo Adeegsan Kara Jabaabtu waa Haa waayo waxay wajiga uleedahay Faa’idooyin Caafimaadka laxidhiidha.

Faa’idooyinka Guud ay Liinta leedahay lama soo koobi karo sida inay sare uqaadan Difaaca jidhka, Tayada kelyaha iyo Wadnaha. Halkan ka akhri Laakiin, Faa’idoyin gaarka ah ee ku kooban Diirkeeda waxa kamida:

B. Inay ka hortagto kadkaduudka/duudubka wajiga

T. Inay dibadda uso saarto unugyada dhintay ee wajiga, kana dhigta mid Qurux badan

J. Inay ladagaalanto Findoobka

Diirkeeda side loo adeegsada?

Hadad heli karto Diirka mid kamida Liin Bambeelmo, Liin Macaan mise Oranjada waay fiican tahay in wajiga loo adeegsado waayo waxa ka buuxa Nafaqooyin waxtar uleh Maqaarka.

Habka loo diyaariyo loona Isticmaalo:

1. Liinta Diirka ka qaad kadib qalaji(Ka dhig mid qalayl ah)

2. Markay si fiican qalayl unoqoto kadib kadhig sida daqiiqda ah(Waad shiidaysa sida budada)

3. Waxad Hal malqaacad daqiiq ah(Diirka shiidan) ku darta hal malqaacad kalo Malab ah kadib isku qoosh/Qas.

4. Liin dhanaan ayad ku dari karta waadna iska dayn karta hadba waa dookhaga

5. Inta kadib Wajiga mari iyo Meelaha aad ku leedahay Madmadowga

Hadii Ay Jiraan Su’aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Hawaaban Inaad Noogu Soo gudbiso Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 09th/09/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply