Cinwan Hosedyada
Fakir Guud:
Indhahayga Maxay u Casanayan Markan Qawaysto Kadib?
Qulqulka dhiiga marku Oogada Indhaha ku uruuro aya casaanka keena, Dadka badidooda guduud indhahooga markay ku arkan waxa dhaca inay ku beerto dareen Walwal ah.
Akhristaha Sharafta naga mudan, Qawayska kadib Casaanka Indhaha lagu arko ma‘ahan mid Xaaladaada Caafimaad Qalqal Galinaysa Sida owgeed, looma baahna wax daawo ah.
Waxa kalo dhici kara Calaamadahan Qofka inu isku arko:
- Indho hur(Indhaha in laga dareemo kulayl)
- Iftiin dhibsasho
- Cuncun
Maxa keena?
Maqaalkani waxan kaga hadlayna Saddexda ugu Caansan keeni kara Indha Casaanka Qawayska kadib:
1.0 Biyaha Kulul
Hadad ku qabaysato Biyo kulul aya noqon kara sababta Indhahaga casaan uyihiin, Guud ahaan, Biyaha kulul in lagu Qabaysto dhib maleh laakiin, waxa wanaagsan in heerkulkooda layara Khafiifiyo.
1.1 Biyaha adag
Biyaha adag sida kuwa Wabiyada, Baliyada iyo Barkadaha waxa ku dhexjira maadooyin badan Idhaha ufiicnen.
Hadu Qofku ku Qawayska Biyaha nuucasi ah waxay carinayan oogada Indhaha kadib Casaan ayay ku keenan.
2. Waxyaabaha Lagu Qabaysto(Shower Products)
Qarniyadan dambe waxa suuqa aad ugu badan waxyaabaha laysku carfiyo Nuucwalba leh.
Saabun mise Shampo aad suuqa kaso dooqatay kadib aadku Qabaysato aya kugu keeni kara indha Casaan.
Waxa kudhex jira Maadoyin mise kiimiko kala duwan sida awgeed waxay keeni karan indho guduud.
3. Indho Daal
Muda dheer hadad wax daawato, gaari kaxayso mise akhrisato waxay ubadan tahay indhaha inay ku daalaan.
Qofka hadu indhaha kadaalo indhaha aya Qalel noqda kadib way casaadan, Haday dhacdo inad biyo Kulayl ku qabaysatana waxay kordhinaysa gududka.
Dawada Maxay tahay?
Marwalba daawada waxa go‘aamiya Waxa Casaanka Keenay
Sida daraadeed, Haday tahay wax yaabaha aan sare kuso xusnay Fadlan iska Jooji.
Haday Jiran Su`aal Laxidhidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su`aalaha(Kudhufo Halkan)
Mahadsanid,
Qalinka: Mas‘ud Sayid,
On: 25th/01/024
Last Updated on 1 year by Mas’ud Sayed