Cinwan Hosedyada

Fakir Guud:

Maraq digaag mise Maraq dooro hadba saad utaqaano waxa afka qalaad lagu dhaha Jikan baros bawdhar(Chicken broth powder).

Markad magaca dib umilicsato aya laga dareemaya maraq laga sameeyay digaagada. Tolow magaca iyo tayada ma iswaafaqsan yihiin?

Inta badani magaca iyo tayada isma waafaqsana sida owgeed, jabaabtu waa MAYA. Shirkadaha Sameya Maraq digaaga kuwoda ugu caansan hadaan hal kamida xusno waxa kamida MAGGI.

Maraq digaag

Shirkadani markedi hore waxay ku samayn jirtay digaagada lafaheeda mise Hilibkeda Laakiin, waayahan dambe waxa laso warinaaya inaysan kudarinba oo  kaliya uu ku koobnado magacan Maraq digaag!

Kaliya kuma koobna Shirkadan, Waxa kalo sameya Shirkadaha sida Jumbo, Knorr, Oxo iyo Calnort.

Maxa laga Sameya oo ku dhexjira?

Waxyaaba badi laga sameeyo Maraq digaaga ma ahan waxyaabo Caafimaadkeena uwanaagsan, Waxa kudhex jira:

  • Cusbo xad dhaaf ah
  • Dufanta afka qalaad lagu yidhahdo unsaturated fatty acids, Waxay  caan kutahay magaca Trans fatty acids(TFA). Dhaawac ayay xididada Wadnaha ugaysan karta.
  • Maadada Monosodiyam gulumayd(MSG). Ameerikan waxay maadadani ku tilmaaman Sun adigoon daremaynin ku dili karta.

Maxa lagu badelan kara?

Sababaha ugu waawayn loo adeegsado Maraq digaaga aya kamida in Cunadda lagu macaaneeyo laguna carfiyo suugada. Sida daraadeed, waxa lagu badelan kara Toon, Xawaaj, Kabsarcaleen iyo Filfil. 

Waxad kalo samayn karta inaad digaagta karsato kadib maraqeeda aad ku darsato cunnada.

Maraq Caafimaad ah
  • XUSUUSIN : Qofwalba Caafimaadkiisa asaga aya ka masuul ah. Qaar kamida Shirkadaha Ka ganacsada waxyaabahan waxay kaliyo ka fakiran siday faa´ida ugu samayn lahaayen.

Majiran Faa´ido uuleeyahay?

Waay jiran qaar tilmaamaya Maraq digaagu inuu  faa´ido leeyahay sida waxay sheegaan Maqaarka, Ilkaha iyo Timaha inuu Caawinaayo.

Laakiin xaqiiqda aya ah in marwalba qasaaridiisa ay kabadan tahay faa´idada laga helaayo. Waxa kalo inta dheer shirkadaha sameeyo marba wax ayay ka badelaan waxyaabaha ayku daraan.

Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Kudhufo Halkan).

Mahadsanid,

Last Updated on 3 weeks by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply