Cinwan Hosedyada

Guud Mar/Fakir Guud

Kacsanaanta xididada dhafoorka waa xaalad ay dibadda uso muuqanayan xididda dhafoorka gaar ahaan, arooriyaha wajiga.

Farqiga udhaxeeya Arooriye iyo Halbowle

Arooriyaha waa midka xubnaha dhiigga kaso qaada deedna wuxu geeya wadnaha. Afka qalaad waxa lagu dhaha Feyin(Vein), Wax yaabaha dhiigani kujira waxa kamida karbon day oksayid(Carbon dioxide).

Halbowlaha waa kan xubnaha dhiigga ugeeya. Waxu ka yimaada wadnaha, Sido kale waxa afka qalaad lagu dhaha Arteri(Artery), Waxyaabaha uu siddo waxa kamida Oksajiinta(Oxygen).

Arooriye waynanta wuxu kaso muuqan kara wajigga dhinacyadisa iyo Sujuudda. Nasiib wanaag xaaladani waa xaalad iska caadi ah, Mana’ahan kuwa laxiirira xaalad caafimaad degdeg ah.

Maxa keena?

Kacsanaanta xididada, dhiiga, blood

Aqoon buuxda lagama haysto waxa sidhaba ukeeni kara laakiin waxa jira waxyaabo fudeydiya kacsanaanta xididda dhafoorka. Waxa kamida:

1.Cadaadiska(Pressure)

Waxay noloshu leedahay dhacdooyin xambaarsan midabbo kala duwan iyo dareemo kala gadisan Cadaadis, Farxad, iyo Murug.

Ma aragtay adigo kusugan xaalad farxadeed waliba aad lakulanto dhacdo mise qof aad kaaga qosliya oo aanad qosolka iska joojin Karin?

Dabcan haa waa ay dhacda, Xaladahaas waxay xididada laabta(Chest) ku kordhin karan cadaadis deedna waxay keenan xidid kacsanan.

Waxa kalo lamida:

  • Jimicsiga badan
  • Hindhiso badan
  • Matag badan

2. Gabowga/Da’da

Maqaarka dadka gabowga ah waa mid qafiif ah sida sidaraded, Waxa dibadda uso muuqanaya xididada

3. Dadka dhuuban/Caato ah

Dadka miisankoda hooseeya jirkoda malahan dux/baruur kufilan waxay taa fudaydinaysa in wajigoda lagu arko xidido taagtaagan.

Gorman dhakhtar aadi kara?

Doctor, thinking, fakirka dhakhtar,

Intabadan looma baahna in dhakhtar la aado laakiin, Hadii kacsanaanta xididada dhafoorka kuu wehliyan:

  • Xanuun
  • Wareer
  • Isbaddel aad ka dareento aragga

Waxaad ubaahan tahay inaad dhakhtarkaga si degdeg ah ulakulanto.

Dawo maleeyahay?

Sidaan hore utilmaanney xaaladani waa xaalad iska caadi ah mana ubaahno wax dawo ah laakiin, dadka qaar kuma qanacsana wajigooda xididada inay kaso muuqdan.

Sidaa daraaded, qaababka lodawenkaro waxa kamida in Qalliin lagu sameeyo mise xididka lagu mudo dawoyin yareynayo kacsanaanta.

Hadii ay jiraan su’aal laxidhidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 30th/05/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply