Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Liinta waa magac guud oo ay wadaagan nuucyo badano kamida liin. Nuucyo kala gadisan ayay leedahay.
Hadan kahoreysiyo nuucyada kala duwan laga helo gayiga Soomaalida:
1. Liin Macaan
2. Liin Dhanaan
3. Liin Bambeelmo
4. Liin oranjamaaro
5. Liin mandariini
Nuucyada kale waxa kamida Verna limon iyo Dorshapo Lemon.
Dhamaan noocyada aan sare kuso xusnay waxay leeyihiin Faa’idoyin Caafimaad kala duwan.
Faa’idooyinkeeda Waxa kamid ah:
1. Culeyska jirka aya lagu yareeya(Weight Control)
Dadka had iyo jeer ladagaalama Buurnida talooyinka lagula taliyo aya kamida inay qaataan liin.
Aragti kala duwan oo lagu sababeeyo sababta liinta loo adeegsado xiliga culeyska jidhka hoos loo dhigaayo aya laso wariya.
Aragtida ugu Caansan aya ah in Liinta laga helo Faybaris. Faybarisku waa qayb kamida Karbohaydaretiska jidhka abood uma lahan inu dheefshiido.
Sidadaraaded, Waxa laso raaciyo Saxarada sidu Calolsocodka uwanaajiyo. Nuuca Faybariska laga helo waxa lagu magacaaba BEKTIN(Pectin).
Bektin waxu hoos udhiga Gaajada
Aragtida labaad waxay tahay – Liinta in lagu daro Biyo kul leh oo sidaas qofka ku cabo waayo Calolsocodka ayay kordhinaysa.
2. Kelyaha inay dhagax ku samaysman ayay ka hortagta
Waxyaabaha qofka ku sumoobi karo ayay Kelyaha jidhka kasaaran. Sidrik asid(Citric Acid) waa maado laga helo Liinta.
Sidrik Asid Waxay kordhisa Mugga(Volume) kaadida iyo Asidka kadida laga helo, Taana waxay sare uqaada Howsha iyo badqabka Kelyaha
Dadka hore uqabay Kelya dhagaxa waxa lagula taliya inay Maalin walba 1 ila 2 koob Liinta sharaab loogu dhigo.
3. Caafimaadka Wadnaha ayay xoojisa
Waxay ka hortagaysa Faaliga iyo Xanuunada kudhaca wadnaha. Faytamin C ila 51% iyo Faybaris aya ku jira.
Waa tiro ku filnaan karta baahida maalmed qofka ubaahan yahay Fatamin C(Daily need of Vitamin C).
Hadii ay jiraan Su’aal Laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soo gudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 01th/03/022