Cinwan Hosedyada

Fakir Guud

Jimicsiga waa mid kamida furayasha ugu horeya sare loogu qaadi karo tayada Maskaxda iyo jidhka. La yaab malahan inu miisaankagu korodho hadaad cuno badan qaadaneyso mise dib udhac uu kuyimi jadwalkaga jimicsi.

Laakiin, hadu Culeyska jidhkaga  korodhayo ayado jadwalka jimicsi uu saxan yahay maxa kuula gudboon?

Waxan tilmaameyna qodabo dhowr ah keeni kara:

1.Hurdo La’aan

Jaantuska Hurdo La'aanta

Dad badan kuma baraarugsana in ay hurda la’aantu kordhinayso culeyska jidha. Qaar badan waxay rumeysan yihin in lagu caatoobo. Sabab?

Waxa lagu sababeeya laba arin oo kala ah:
  • Dadka habeen soojeedka badan waxay leeyihin dhaqan cuno cunid joogta ah sida daraadeed, Waxa badan inta kaloori ay qaadanayan.
  • Hurdo la’aanta waxay qofka ku keenta inay isbadelan Hormonada gaar ahaan, kuwa gaajada iyo dheraga. Hormoneka gaajada aya xadi badan laso daaya.

2.Cadaadis badan(Stress)

Jaantuska Cadaadiska ama Stress

Habku jidhka ushaqaynayo marku qofka ku jiro xaalad Caadaadis ah way ka gadisan tahay xiliyada kale. Sida dareeded, xaalada istareska waxa laso daaya hormone kala duwan waxa kamida Kortisol(Cortisol).

Hormonekani waxu kamid yahay kuwa dareenka qofka ka dhiga mid aan degnayn, waxu jidhka isticmaalaya tamar badan.

Tamar badan in la adeegsado waxay dardar galisa dheefshiidka iyo in sare loo qaado hormone gaajada.

3.Dawo(Drugs)

Waxa jira dawoyin qaar kordhiya miizaanka sida kuwa Caabuqa lagu yareeyo iyo dibreshanka/niyad jabka loo qaato.

Bukaanada dawoyinka nuucani qaadanayo hadi miisaankoda yareynayan waxa  fiican inay laxidhiidhan dhakhtarkoda mise dhakhtarka ugu dhow.

Fadlan hadad qaadanayso dawoyinka niyad jabka loo qaato MARNABA HAJOOJIN dhakhtar la’aan!!!

4.Caadada(Menopause)

Isbadelada mowjadaha hormonada xiliga Caadada waxay keeni karan miisaan gaar ahaan, hareeraha dhexda dumarka.

Waxa kalo keeni kara da’da waayo, qofku marku gaboobo waxa yaraanayo xowli usocodka dheefshiidka iyo markay isbadelan qaabku qofka u noolyahay sida inta jeer usocdo,jimicsiga iyo W.L.M.AH.

5.Xanuunada(Disease)

Jaantuska Xanuunada Qaar

Inta badan miisaan korida waxa la laxidhiidhiya jimicsi la’aanta iyo in laqaato kaloori/cuno badan laakiin, Waxa kalo jira xanuuno qaar culeyska jidhka kordhin kara.

Xanuunada waxa kamida:

1.Haybosayrodisam(Hypothyroidism)

2.Kushin sindarom(Cushing syndrome)

3.iyo kuwa kalo badan

N.B: Guud ahaan, Xanuunada aan sare ku xusnay waa kuwa isbadelada hormoniska qaar laxidhiidha

Hadii ay jiraan su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan Hawaaban inaad noogu soogudbiso qaybta Su’alaha.

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 30th/11/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply