Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Sabiibka wuxu leeyahay dhadhan macaan, Taa oo kadhigaysa sababta 1aad ay dad badani ku jeclaadaan. Laakiin waxa kalo jira faa’idoyin kalo dhowr ah mudan in daaha laga qaado.

Waxan maqaalkani kuso koobayna 5 faa’ido Muhiim ah uu leeyahay:

1.Dhiig-La’aanta

Sabiibka wuxu ka hortaga dhiig la’aanta waayo waxa ku jira maadoyinka Ayron – Iron, Botashiyam -Potassium, Kobar-Copper, Magnisiyam – Magnesium iyo Fiitaminis(Vitamins) kalo muhiim ah gaar ahaan kuwa kaabayasha u ah dhiig yarida.

2. Gaaska iyo Saxarada

Mirahan Cajiib ah waxay jilciyaan saxarada islamaarka dajiya Gaaska Sababto ah waxa ku jira ayron – Iron, Folet– Folate iyo Fiitamin Sii – Vitamin C.

3. Foosha

Sabiibka waa mid kamida miraha fududayn kara Foosha waayo waxa sido kale ku jira Madooyin Foosha Muhiim u ah sida Ayronta. Dilanka iyo Dhiciskana wuu ka yareya.

Hooyada Uurka leh inta ay Sabiibta cunayso way adkanaysa in dhiigeeda hoos udhaco.

4. Finanka

Wuxu ka qayb qaata hagaajinta Maqaarka, Quruxda iyo Qaabka islamarkaana wuxu meesha ka saara Finanka iyo Haaraha wajiga.

5. Istareeska(Stress) iyo Walwalka

Sabiibka wuxu dajiya Neerfaha, Yareeya walwalka iyo Kacsanaanta sababto ah wuxu qani ku yahay Madooyinka kala ah:

B. Sayamin(Thiamin)

T. Faytamin B6(Vitamin B6)

J. Faytamin B12(Vitamin B12)

Hadii ay jiraan Su’aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soogudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 13th/09/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply