Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Tomadhada(Yaanyada) waxaa lagu tiriyaa midho iyo qudradba/Qudaarba inay isku tahay magaca kale ee saantiifiga loogu yaqano waa Solaanam laaykobersikam (Solanum-lycopersicum).

Waxaa marka ugu horeysay lagu arkay dalalka dhaca Koonfurta Ameerica(South America) oo ay kamid tahay dalalka kale ah(Argentina iyo Brazil).

Maanta  waxaa idinsoogudbin doonaa 6 faa’iido caafimaad ay leedahay  tomadhada  (Yaanyada).

1. Waxay kahortagtaa wax yeelada Sigaarka uu leeyahay

Asidyada(Acid) kala ah kuumarik acid(Coumaric acid) iyo kalorojinik  asid(chlorogenic acid) laga hela  tomadhada(Yaanyada) waxa ay ladagaalamaa,naytarosaminis(Nitrosamines) oo ah maado laga hela sigaarka kaaso dhaliya xanuunka kansarka(Cancer).

2  Araga ayey sara uqaadaa

Fiitamiin A(Vitamin A) da laga hela tomadhada waxay tayeysaa araga sido kale waxay qofka ka’ilaalisaa in uu habeen wax arki kariwaayo.

Fiitamiin A da waxay kaloo jidhka ka caabisaa wax yeelada suntan

3. Dheefshiidka jidhka ayey caabisaa

Tomadhada  waxay habdhiska dheefshiidka kadhigtaa mid caafimaad leh ayadoo ka’ilaalinayso:

B. Fuuqbax

T. Calool istaag

J. Cagaarshowga

X. In uu jidhka iska saariwaayo sunta

Waxa laga helaa Faybariska aan horey ugu soohadalnay faa’idooyinka uuleeyahay laakiin hadaan idin xusuusino Faybarisku  waa qayb kamid ah karbohaydaretiska jirka abood umalahan in uu burburiyo 100%.

Sidaa daraadeed, Waxaa lasoo raaciyaa saxarada waana sababta ugu wayn ee lagula taliyo dadka qaba calool istaaga(saxarada oo adkaata) inay isticmaalaan Faabariska si ay calool socodkooda uwanaagsanaato.

4. Waxay kahortagtaa infakshanka kudhaca kaadi mareenka

Faa'idoyinka caafimaad ay leedahay yaanyada

In la’isticmaalo tomadhada waxay yareysaa infakshanka kaadimareenka sababtoo ah yaanyada waxay leedahay biyo badan taaso sabab unoqonaysaa in kaadida qof ay badnaato midaasi ayfursad uqonaysa in jidhka uu iska saaro sunta.

5. Waxay sare uqaadaa difaaca jidhka

Tomadhada waxa laga helaa maadooyinka kala ah laaykobin(Lycopene) iyo beeta kaarotinoyid(Beta  karotinoid) waxay awood uleeyihiin in ay unugyada(cells) jidhka kadifaacaan dhibaatoyinka sido kale waxay sare uqaadaan difaaca jidhka.

6. Waxay tinta ka’ilaalisaa qalaylka iyo cuncunka

Cuncunka  iyo qalaylka maqaarka hadii ladaweenwaayo waxay sabab unoqonkaraan in uu maqaarka bararo toxobna ayku samaysanto marka tomadhada waxaa aad looga helaa Fiitamiin C da waxay kahortag iyo dawoba unoqonaysa cuncunka iyo qalaylka kudhaca maqaarka

Hadii ayjiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 5th/08/019

Updated On: 07th/11/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply