Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Qomanka – Cunaha qaybtisa dambe labadiisa dhinac waxu leeyahay qaabdhismeed umuqal dhow beeda/ukunta lagu magacaabo Tonsilis (Tonsils). Tonsiliska waxa ay kashaqeynayan inay jidhka kadifaacan waxyeelada kaladuwan sida infakshanka.

Tonsiliska hadii uu caabuqkudhaca waxa afka qalaad lagu yidhahda Tonsilaytis (Tonsilitis) Halka afka hooyo lagu dhaho Qomanka. Xanuunkani waa uu kudhici kara cidkasta laakiin, intabadan waxu kudhaca caruurta .

T.Side ayu kufidi/faafi kara?

Qomanka waxu kamid yahay xanuunada kufida mudo kooban, waxa uu kugudbi kara:

1.Hadii toos mise silamafilaan ah lootabto dhecan kayimid qof qaba xanuunkan sida Candhufta

2.Hadii uu dhibanaha qaba xanunkan  hawada uraaciyo qofkale sida hindhisashada mise qufaca

J.Maxan ku aqoonsada?

Xilihuuriska xanuunkani waa inta udhaxeysa 7 ila 10 maalin, Calaamadaha Qomanka waxa kamida:

1.Cuno xanun

2.Xanuun xiliga laqitaanka

3.Qandho and Qarqaryo

4.Ur kasogo’a qofka xiliga uu neefsanayo mise hadlayo

5.Dhago xanuun

6.Madax xanuun

7.Calol xanuun

8.Daan barar

9.Tonsiliska oo casaada/guduta

Waxa sido kale Caruurta lagu arki kara kacsanaan,Rabitanka cuno oo hoos udhaca iyo dhareer.

X.Maxa lagu daweya?

Waxa jira qaabab kala duwan oo aad kutijaabin karta inaad ku daweyso Qomanka adigo jooga gurigaaga, waxa kamida:

1.Cab biyo badan

2.Qaado nasasho kugu filan

3.Hadi atahay qof cabayo sigaarka fadlan jooji

4.Biyo milix iyo diirimaad leh ku luqluqo

5.Qaado dawoyinka la’ogolyahay in laga iibsado farmashiyaha sida Ibuprofen sidad iskaga yareyso caabuqa iyo xanuunka

Kh.Gorman dhakhtar aadi kara?

Waxad ubahan tahay inaad dhakhtar aado hadii aad caruurtada ku aragto sida:

1.Cuno xanuun kabadan 24 mise 48 saac

2.Xanuun xiliga laqitaanka

3.Tabar dari daran mise Oohin sa’id ah

Sidegdeg ah u aad dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow:

1.Hadii ay neefta kudhageyso

2.Hadii aad leedahay dhareer badan

3.Hadii aad isku aragto xanuun saa’id ah xiliga laqitaanka

D.Maxa keena?

Sidan horey utilmanney tonsiliska waxa uu qayb kayahay difaaca jidhka, waxyabaha uu kadifaaco waxa kamida Bakteeriya iyo fayraska sida owgeed, waxu unugul yahay inay waxyeeleyan.

Qomanka waxa inta badan keena Fayras laakiin waa aykeeni karta Bacteeriyada gaar ahaan, nuuca lagu magacaabo Istarebto kokas Bayojinis(Streptococcus Pyogenes).

R.Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Hadii caruurta laga dawenwayo xanuunkan waxa dhici kara:

1.Inay dhib kunoqoto neefsashada

2.Inay hurdada kaso boodan/kacaan waayo waxa ku adkada neefsashada

3.Infakshanka inuu jidhka intiisa kale kufido

S.Maxa loga hortagi kara?

Qaabka ugu wanaagsan  xanuuunkani loogu hortagi kara waa inaad ciyaalkaga nadaafadoda kudadasho, waxad barta sida:

1.In gacmaha la’iska dhaqo xaajada kadib

2.Waxad ubadasha Cadayga mise burushka Qomanka kadib

Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soo gudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On 2th/03/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply