Cinwan Hosedyada

Guudmar/Dulmar

Macaanka waa koox xanuuno ah saameyna kuleh sidu jidhka uqaadanayo sonkorta dhiiga dhexmareysa.

Waxa hubaal ah shaki lahayn in ay sonkorta ahmiyad gaar ah nooleedahay. Waxay faa’ido utahay jidhkeena sidu tamar ugu samaysto.

laakin, hadii aykabadato mise aykayarato xadiga loogu talagalay sonkorta waxay qofka kusababta/keenta xaalado aan fiicnayn.

Sonkortu dhiiga dhexqaadeysa hadii ay kasare marto xadiga loogu talagalay waxay keenta Sonkorow, Afka qalaad waxa lagu yidhahda Dhayabitis/dayabitis(Diabetes).

Waxyabaha keena sonkorowga waxay kuxidhan tahay nuuceda, laakiin dhamaan nuucyada ay leedahay waxay wadaagan inay kordhiyan sonkorta dhiiga dhexmareysa, Taana qofka waxay uhorsedi karta dhibato caafimaad qatar/halis ah.

Jaantuska Nin gaboobey oo fakiraaya

Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxu kadiwangaliyay in dadka qaba xanuunkan ay tiro ahaan gaadhayan  422 Million(Afar boqol labatan iyo labo milyan) dunida oodhan. Tirada dhimashada sanad laha ah waa 1.6 million.

Waxa sidokale warbixinta lagu cadeeyay in dadka ugu badan xanuunkan qaba ay yihiin kuwa kunool dalalka dhaqaalahoda hooseya mise dhexdhexaadka ah.

Soomaliya waxa sanada 2018ka laga diiwaan galiyay in dadka udhintay sonkorowga ay gadhayan 1887 qof(kun sided boqol, sidetan iyo tadobo qof), dhimashada guud waxay kanoqonaysa 1.87%.

Kaalinta 74 aad ayay somaliya kaga jirta sida dhimashada logu kala badan yahay dunida odhan.

Nuucyo maleedahay? Maxase keena?

Nuucyada sonkorowga ugu waaweyn waa saddex, waxay kala yihiin:

1. Tayib wan dhayabetic(Type 1 diabetic)

Type 1 micna ahaan waxa loogu jeeda nuuca 1aad, Magaca kale nuucani afka qalaad lagu dhaho waa jufanayil dayabetic(Juvenile diabetic), waxa keena insulin la’aan, jidhka waxu gabaya abooda ukusosari laha insulinta.

Insulinta waa hormone laga sodaayo qanjidhka lagu magacabo bankariyas(Pancrease – waxu kadambeya Caloosha), Dadka qaba tayib wan dayabetic waxay maalin walba sijoogta ah uqadanayan insulin siday unooladaan.

2. Tayib tu dayabetic(Type 2 diabetic)

Type 2 waa nuuca ugu caansan sonkorowga, waxa uu nuuca kale kaga gadisan yahay in hormoneka insulinta laga soodayo bankariyaska, laakiin unugyada(Cells) jidhka kama bixinayan wax falcelin ah, Taana waa dhibatada ugu wayn ay wajihayan dadka macaanka nuucani qaba.

3. Gasteshanal dayabetic(Gestational diabetic)

Gasteshan micna ahaan waxa logu jeeda uur sida owgeed, Macaanka nuucani waxa lagu arki kara qaar kamida Hooyada uurka leh.

Hooyada uurka leh waxu jidhkeda sodaynaya hormono kala duwan, waxay hormanadasi unugyada jidhka kadhigan inay iskacaabin kusameyan insulinta.

Hadii insulinta iskacaabin lagu sameyo taa waxay natijadedu noqonaysa inay korodho sonkorta dhiiga

Waa jaantuska Su'asha(Question)

Maxan ku aqoonsada?

Calaamadaha lagu arko bukanada qaba sonkorowga(Type 1, Type 2) waxa kamida:

1Haraad/oon badan6Kaadida waxa kudhexjira Maadada kiiton(qofka caadiga ah laga helo)
2Kaadi badan7Kacsanaan
3 Gaajo Saa’ida8Hadii qofka nabari sogadhan sidhaqsa leh uma bogsadan
4Daal9Infakshan joogta ah
5Misaan lumid (Waxa silama filaan ah hoos ugu dhaca Culeyska qofka)10Araga oo daciifa

Calaamadaha lagu arko bukaanada qaba sonkorowga waxay kuxidhan tahay siday sonkorta jidhkoda usareyso.

Tusaale, dadka maraya xaalada kahoreysa macaanka afka qalaad lagu yidhahdo biridayabetic(Prediabetic) iyo dadka qaba sonkorowga nuuca 2aad(Type 2) marku xanuunka kucusub yahay wax calaamado ah laguma arko.

Gorman dhakhtar adi kara?

Waxad ubaahan tahay inaad lakulanto dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow:

1.Hadii adiga mise caruurtada aad ugu shakido Calaamadaha macaanka, waayo hadii xanuunkani lagu ogaado sidhaqsi leh, waxay fudeydinaysa dawada.

2.Hadii aad horey isugu ogayd sonkorowga waxad ubaahan tahay dhakhtar sidhow xaaladada ula socda ila sonkorta dhiiga kadagayso mise hoos ugu dhaceyso.

Waayo dadka unuglan kara?

Xanuunkani waxa unuglan kara:

1.Type 1

  • Dadka qof kamida qoyskoda qaba macaanka
  • Qaar kamida dadka qaba xanuunada fayraska keena
  • Caruurta yar

2.Type 2

  • Dadka buuran
  • Dadka da’doda kasareyso 45(>45)
  • Dadka jimicsiga ay kuyartahay
  • Dadka qof kamida qoyskoda qaba macaanka
  • Dadka leh kolistarol
  • Hooyada yeelatay Macaan xiliga uurka(Gestational Diabetes)

Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Jaantuska Xanuuno kale mise Dhiigkar

Hadi laga dawen wayo mise bukaanka uusan helin daryeelku ubahna waxu xanuunkani waxyeelo ugaysanaya:

1. Wadnaha

2.Kelyaha

3.Daremayasha jidhka(Nervous system)

4.Lugaha,Maqaarka, indhaha iyo dhagaha

Side logu hortagi kara?

Nuuca 1aad Sonkorowga(Type 1) malahan wax kahortag ah, laakiin nuuca 2aad iyo Macaanka xiliyada uurka waxa logu hortagi kara:

1.In laqaato cunada Caafimaadka leh sida khudradda,Cunnada ay duxda kuyartahay iyo kuwa laga helo faybaris badan.

Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretiska(Carbohydrates), Jidhkeena abood uma lahan in uu  burburiyo 100% sidaa daradeed, waxaa laso raaciyaa saxarada si ay calool socodka uwanajiso.

2.In lajoogteeyo jimicsiga

Waxa wanaagsan inu qofka sameyo jimicsi fudud maalin walba ilaa 30 daqiiqo sida in loosocdaleyo dhul fog, kaxeynta baaskiilka iyo dabaasha.

3.In qofka buuran lumiyo culeys/miisaan

Hadii atahay qof culeyskiisu sareyo fadlan qorshee in maalin walba aad lumiso tiro culeyskaga kamida, waayo waxay hoos udhigaysa halista aad macaanka ugu jirto.

Hadii ay jiran Su’al laxidhidha Casharka Fadlan nogu sogudbi Qaybta Su’alaha (Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 23th/11/2020

Updated on: 06th/12/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has 2 Comments

Leave a Reply