Cinwan Hosedyada
Soonka iyo Macaanka – Qofka muslimka qaangadhka ah caafimaad illaaheey kumanadeystay waa waajib saaran inu bisha Ramadaan soomo,Soonka waxu kamid yahay 5ta tiir Islaamka, waanna Bisha Nabigeena Mohamed (N.N.K.H) Qur’anka lagu sodajiyay.
Waxan maqaalkan kugu soogudbinayna 5 Talo ku aadan dadka macaanka(Sonkorowga) qaba xiliga Soonka:
1.Sijoogta ah uhubi sonkorta dhiiga
Isbadelka ku imanaya jadwalka cunada waxay saameyn kuyeelan karta sonkorta dhiiga sida owgeed, waxa wanaagsan in sidhow loola socdo, Soonka kamajabinayso in sonkorta dhiiga lalasocoto waana daaqada aad ku maareyn lahayd mise aad ku ogaan lahayn cabirka sonkor dhiigaga.
Dadka qatarta ugu jira inay sonkorta dhiigoda sare kacdo waxa lagudbon in 3 ila 4 mar maalinti hubiyaan halka dadka qatartoda ay yartahay larabo inaay maalinti hubiyan 1 ila 2 mar.
2.Dawoyinka in sixitaan lagu sameeyo
Waxa wanaagsan inaad dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow kala hadasho sida ugu fiican dawoyinka loqadan karo xiliga soonka
3.Jabi(Jooji) soonka
Dadka Macaanka qaba waxa fiican inay joojiyan soonka:
B.Hadii Sonkorta dhiiga ay noqoto inkayar 70mg/dl(3.9 m mol/L)
T.Hadii sonkorta dhiiga ay noqoto inkabadan 300mg/dl(16.6 m mol/L)
J.Hadii qofka ay kaso muqdan calaamadaha markay sonkorta yarato mise badato
4.Joogte Jimicsiga
Jimicsiga waxa uu kamid yahay furayasha ugu horeya ee sare loogu qaadi karo caafimaadka jidhka iyo maskaxda. In lagu noolaado nolol firfircoon waxay kugu saacida inaad hesho isudheelitirnaan iyo xorriyad ah inaad aadi karto halkad rabto.
Dadka macaanka qaba waxa wanaagsan inay joogteyan jimicsi fudud sida socsocodka iyo xadirista salaada tarawixda waayo, waxu kahortag unoqon kara xanuuno kala duwan sida xanuunada kudhaca wadnaha laakiin, waxan la ogolayn jimicsiga xaddhafka ah, waxa uu qofka ku keeni inay sonkorta dhiiga hoos udhacdo mise fuuqbaxo.
5.Qaado cuno kugu filan
Dadka macaanka qaba xiliga soonka waxa lagudbon inay qaataan cuno isudhelitiran:
B.Karbohaydaretis(Carbohydrates) T.Barotiniska(Proteins) J.Baruurta(Fats) | 45% ilaa 50% 20% ila 35% inkayar 35% |
X.Qudaar/khudradda | Inkufilan |
Kh.Faybaris | Inkufilan |
D.Biyo | Inkufilan |
Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretiska(Carbohydrates), Jidhkeena abood uma lahan in uu burburiyo 100% sidaa daradeed, waxaa laso raaciyaa saxarada si ay calool socodka uwanajiso.
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Cashar fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On:20th/04/2020