Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Waxa hubaal ah oo aan shaki kujirin in ay sonkorta ahmiyad gaar ah nooleedahay, Sonkortu waxay faa’ido utahay jidhkeena siduu tamar ugu samaysto.

Laakiin, hadii aykabadato mise aykayarato xadiga looga talagalay qofka waxay kusababta xaalado aan fiicnayn halkan ayaan kugu sogudbinaynaa hadii aybadato mise ay yaraato calaamadaha qofka lagu arki karo:

1. Hadii ay yaraato waxay qofka kukeentaa sida:

1. Tabar dari mise tabar la’an

2. dawakhaad

3. Madax xanuun

4. kacsanaan

5. Caro/xanaaq

6. Walwal, baqdin

7. Gaajo,baahi

8. Dhidid

9. Garaacitanka wadnaha oo korodha

2. Hadii ay kubadato jidhka:

1. Kaadi badan

2. Haraad(Oon)

3. Dibiro

4. Hadii uu qofka dhaawac soo gaadho dhaqso uma bogsado

Jidhka bini’adamka ilaa imisa garaam oo sonkor ah ayuu ubaahan yahay?

Xadiga sonkor ee caafimaadka kusalaysay aan isticmaali karno maalintiiba ilaa imisa garaam ayuu noqonkaraa?

Xadiga sonkor uu qanadanayo qofka waxa loo eega da’da anaga oo kudabaqayno Xeerka Ururka American Heart Association

1.Dadka waawayn

Raga

Ragu in aysan isticmaal inkadan 150 kaloori(Calories) maalintiiba oo udhiganta 38 gram ama 9 jeer adiga oo isticmaalaya qaadada sonkorta.

Haweenka

Haweenku looma ogola in ay isticmaalan in kabadan 100 kaloori maalintiiba oo udhiganta 25 gram

2. Caruurta

Ciyaalka da’doodu  udhaxaysa 2 ila 18 sano waxaa wanaagsan in aysan isticmaalin maalintiiba inkabadan 25 gram mise 6 jeer adiga oo isticmaalaya malqaacad mise qaadada sonkorta.

Dadka macaanka(Sonkorta) qaba

Dadka qaba xanuunka sonkorowga jidhkooda ma awoodo inuu sicaadi ah u isticmaalo sonkor dhiiga dhexmaraysa sidaa daraadeed bukaanadan waxay ubaahan yihin sidhow inay ulasocdan mise loolasocdo cabirka sonkorta jidhkooda.

Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi hoos Qaybta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 22th/08/019

Updated On: 21th/08/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply