Cinwan Hosedyada

Waa maxay Cadaadiska dhiiga? Maxase go’amiya?

Cadaadiska dhiiga waa abooda uu dhiiga kucadadinayo gidarada dhumanka dhiiga qaada. Marwalbu wadnaha garacitan sameynayo waxa uu dhiiga kusii jiheeya dhumanka dhiiga qaada.

Cadadiska dhiiga waxa go’aamiya:

1.Muga dhiiga wadnaha kujira

2.Cadaadiska qulqulka dhiiga

Cadaadiska Dhiiga - Dhiig kar - Wadnaha

Cadaadiska dhiiga oo korodho(dhiig-karka) waxu kamid yahay xanuunada ugu badan dunida kajira, Waxu qatar/halis  galin kara nolosha qofka.

Sida daradeed, bukaanada nuucani waxa loobahan yahay in sidhow xaaladooda guud lolasocdo.

Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) Waxay Sanada 2015ka xanuunkani kadiiwan galisay in bukaanada dhiig-karka qaba ay tiradooda gaadhayso 1.13 Bilyan(Billion) dunida oo dhan.

Nuucyo Maleeyahay?

Cadaadiska dhiiga Waxu leeyahay 2 Cadaadis lagu kala magacabo:

1.Cadaadiska Sistoliga(Systolic pressure)

Waa marku wadnaha garacitan samaynayo deedna uu kordho Cadaadiska dhiiga, waayo waxu bamka gareynaya dhiiga.

2.Cadaadiska Dayastoliga(Diastolic pressure)

Waa xiligu wadnaha nasiima kujiro, waxu udhaxeeya labada dhaqdhaqaaq(Lub,dub), Sidokale waxa hoos udhaca Cadaadiska dhiiga.

Siden labada tiro ukala saara?

Aaladaha lagu cabbiro Cadaadiska dhiiga waxay isticmalayan tiro 2 qayb leh, Qaybta kobaad waa tirada cadaadiska sistoliga(waysareysa) halka qaybta labaad ay tahay tirada Dayastoliga(Wayhoseysa).

Tusaale:120/80 micna ahaan loogu jeeda 120ka oo ah sistoliga halka 80ka uu yahay Dayastoliga

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 20th/07/2020

Updated on: 01/01/022

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply