Maxay tahay isbadelka kudhaca jidhka xiliga soonka?

Soonka iyo Isbadelka jidhka – Qofka Muslimka ahi marku somanyahay waxyabaha uu kafoganayo waxa kamida Cunidda iyo Cabidda sida daraded, Saacadaha soonka waxuu jidhka isticmalaya waxii kayd u aha sida:

1.Karbohaydaretiska(Carbohydaretis)

2.Duxda(Fats)

3.Barotiniska(proteins)

Laakiin Jidhka abood umalahan inu kaydsado biyo badan, Biyaha ay kelyaha isticmalayso waxay noqonayan xadi kooban tusale, kaadida ad kaadinayso markad somantahay iyo waqtiyada kale isku midab mahan, tan markad somantahay midabkeedu waa hurud(Jaallo), sababtuna waa xadiga biyo ay kelyaha isticmalayso ayaa xadidan.

Fuuqbaxa Qofka kudhaca xiliga soonka waxay kuxidhantahay jabiga iyo inta saacadood uu soomo laakin, Dadka intabadan waxay isku arkan madax xanuun aan badnayn iyo daal waayo waxa keena fuuqbaxa yar uu qofka wajahayo marku somanyahay.

Baarayaal lagu kalsonyahay ayaa cadaynaya in arintasi aysan qatarku ahayn caafimaadka, sababtuna aytahay in fuuqbaxa yar laga so kaban karo aftirka kadib.

Dadka isticmaala shaaha mise sharaabyada laga helo Kaafeenta (Kaafeentu wa maado sara uqaada howsha maskaxda iyo murqaha) waxay xiliga ay somanyihin isku arkaan daal iyo madax xanuun.

Fa’idoyinka Caafimaad uu leeyahay soonka

Waxan shaki kujirin in uu soonku leeyahay saamayn mise faa’idooyin togan aan laso koobi karin, hadii ay noqoto mid jidh iyo ruux ahaanba leh, Fa’idoyinkasi waxa kamida:

Baariyaal ayaa waxay xaqiijiyen in uu soonka hoos udhigo xanuunada sida Kolestiroolka (High cholesterol), Xanuunada kudhaca wadnaha iyo buurnida, islamarkaana sare uqaado firfircoonida maskaxda iyo jidhka guud ahaanba.

Cuna yarida waxay kalo jidhka ufudeydisa inuu diirada saaro iskasaarida wax yabaha haraaga ah sida unugyada dhintay iyo waxyabaha qofka uukusumobi karo.

Dhakhtar lagu magacaabo Claire Mahy oo kutaqasuusay Quudinta ama nafaqada mar laga waraysanayay tvga Aljazeera waxu yidhi “ soonka waxuu nadiifiya caloosha islamarkaada waxuu kayela mid awood leh, sidoo kale waxu kiciyaa habka looyaqano AWTOFAGI(autophagy) oo ah hab ay unugyada(cells) iskuhagaajiyan iskana saran unugyada tabarbeelan(daciif ah) mise dhintay.”

Soonka waxu kalo qofka kacaabinkaraa inuu iska xakameeyo mise iskadaayo Caadooyinka xunxun sida sigaar cabida,beensheegida iyo waxi lamida.

Ramadaan Mubaarak,

Hadii ayjiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On: 27th/04/2020

Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply