Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Qaamoqashiir waa xanuun keena fayras/fayruus layidhahdo Mambis (Mumps virus). Waa sababta kadambeysa in xanuunkani afka qalaad loogu yeedho mumps.

Waxa uu saameeya qanjidhada soodaya candhuufta, Qanjidhka ugu badan xanuunkani kudhaca waa kan ku agyaala/udhow dhegta laguna magacabo Barotid (Parotid gland).

Waxa uu kudhici kara da’kasta laakiin, waxaa lagu tiriyaa inu Caruurta aad ugu badanyahay gaar ahaan, kuwa da’dooda udhaxeysa 5 ila 9 sano.

Qamo-qashiirka waxu kamid yahay xanuunada soojireenka ah, Sanada 1790kii, aya latilmaama in Qanjo bararka qaab Cilmiyaysan uqeexay (Sharxay) dhakhtar kaso jeeda dalka ingiriiska(British) lagu magacaabo Robert Hamilton.

Side ayu kufidi/faafi kara?

Qaamoqashiir

Qanjo-bararka waxu kufidi/faafi kara mudo kooban, Waxa la’isugu gudbin kara:

  • In uu dhibanaha qaba xanuunkan hawada uraaciyo qofkale sida hindhisashada ama qunfac
  • Ayado silama filan ah lotaabto dhecaan mise candhuuf qof horey xanunkan uqabay uu meel kutufay

Maxa lagu aqoonsada?

Xilihuuriska xanuunkani waa 2 ila 3 wiik/asbuuc, waxa dhici kara in dadka qaar xanuunkani qaba aysan wax Calaamado ah kaso muuqan halkan qaarkale ay yeelan karan calaamadaha sida Hargabka.

Calaamadaha xanuunkan lagu garto waxa kamida:

1. Dhaban/daanka barar (Waa calaamada ugu caansan)

2. Xanuun laga dareema qanjidhada soodaaya candhuufta

Waxa xanuunka laga dareemi kara haldhinac mise labada dhinac ee wajiga

3. Xanuun xiliga calalinta mise laqitaanka(Chewing or swallowing)

4. Qandho

5. Madax xanuun

6. Daal iyo tabar dari

7. Murqo xanuun

8. Wax cunid la’aan (Poor appetite)

Side lodaweya?

Hadii aad xanuunkani isugu shakido mise aad ugu shakido caruurta, Fadlan laxidhiidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow.

Akhristaha sharafta leh, waxa jira xirfadooyin kale uu qofku sameyn karo, Waxa kamida:

1. In nasiimo laqaato

2. In laqaato dawoyinka la ogolyahay in farmasiyaha laga iibsado sida Ibuprofen

3. In baraf lagu qabto halku bararka kajiro

4. In biyo badan laqaato siloo ilaaliya fuuqbaxa

5. In laqaato cuno fudud iyo cunooyinka kale ayfududahay calalintoda

6. In la’iska ilaaliyo sharaabyada kujira Asidka(Acid beverages) sida 7 up, Fanta i.w.l.mah

Side logu hortagi kara?

Qaamoqashiir(Qanjo barar)

Qaabka ugu wanaagsan Qanjo bararka loogu hortagi karo waa in laqaato talaalka. Talaalka la’isaga difaaco xanuunkan, waxa talaalka lagu magacaaba MMR, waxay caruurta qaataan:

  • Marka ay da’dooda udhaxeysa sanad(1) ilaa sanad iyo badh(1.5)
  • Marka ay da’dooda udhaxeysa 4 ila 6 sano

Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Inta badan qanjo bararka dhibaato badan malahan laakiin, hadii ladawen wayo waxa dhici kara:

1. In ay bararan Xiniinyaha

2. In uu Caabuq kudhaca Maskaxda

3. In uu Maqalka lumo (Hearing loss)

Hadii ay jiran su’al laxidhidha Maqaalka Fadlan Hawaaban inaad noogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On:6th/07/2020

Updated on: 06th/01/022

Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply