Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Infakshanka Bartamaha dhegta waa marka ay dhegtu qaybteeda dhexe uu kudhaco infakshan iyo caabuq, waxay kadambeysaa qaybta looyaqaano durbaanka dheg (Eardrum).
Xanunkani waxa afka qalad lagu dhaha Otitis midiya (Otitis media), Waxu kamidyahay infakshanada kuwoda ugu xanunka badan.
T.Maxa keena?
Tuunbada loyaqano yustashiyan tiyub (Eutachanian tube) waxay katimada bartamaha dhegta gasha cunaha qaybtisa dambe, sidaa daraded xanunkani waxu dhaca hadii caruurta yustashiyan tiyubkodi noqdo mid bararsan mise dhecan ku’ururo bartamaha dhegta.
Waxyabaha dhegta barar kadhiga waxa ay noqon karan:
1.Xasasiyada
2.Hargabka
3.Infakshanis hore
J.Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha caruurtu yeeshan waxa kamida:
1.Oohin
2.Kacsanaan
3.Hurdo yari mise la’aan
4.Dhegta inay iska jiidaan
5.Dheg-xanuun
6.Madax-xanuun
7.Qoor-xanuun
8.Qandho
9.Shuban
10.Matag
11.Maqal-la’an
X.Side lodaweya?
In caruurtu laga daweyo xanunkan waxa lagu saleya:
1.Da’da
2.Xaalada guud
3.Dawoyinka kuhabon
Dawoyinka guud ahaan waxa ay isugu jiraan kuwa infakshanka jidhka kasaara iyo kuwa yareya/dila xanunka. Fadlan hadii aad caruurtaada ugu shakido xanunkan, laxidhidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow.
Kh.Waayo dadka unugul?
Waxa unuglan kara sida:
1.Caruurta kunool goobaha lagu daryeelo
2.Caruurta ay da’doda udhaxaysa 6 bil ilaa 3 sano
3.Caruurta sigaarka lagu agcabo
4.Caruurta hargabka kuso noqnoqda
5.Caruurta kunol deganada qaboban
D.Maxa dhici kara hadii ladawenwayo?
Hadi ladawenwayo waxa dhici kara:
1.Infakshan so noqnoqda
2.Qanjidh barar gaar ahan kuwa cunaha
3.Durbanka dhegta oo dilaaca
4.Hadal kudaahid
[ratings]
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Galolmedicine,
On: 09th/12/019
Marka dhegtu qaraxdo maxaa lagu daaweya AMA maxaa sabab inaay keento cabuuqa
Ayaan Hussein Ibrahim kuso dhawo Galolmedicine,
Daweenta marwalibo waxa aykuxidhantahay bukaan xaladisa sidan casharkaba kucadaynay laakin waxa dhici kara in lagu daweyo ugu dambayn qaab qaliin ah.
asc bahda galolmedicine side lagu daaweya maqalka oo sii yaranaayo marba marka kasii dambeyso mahadsanid jwb wcn
waad mahadsantihin,
waxan wataa suaal taas oo ah xanun aniga iheesto dhanka dhegta,
waxaa ugu yaran sanadkan 2019 dhegta iigasoo baxay 7nabar kuwas oo aan ku tilmaami karayo kasoo bax hadana wax badan ka duwan kasoo baxa,
adinkoo mahadsan si aan dhibkaan idinkula wadaago meel aan idinkala soo xariiro fadlan igu caawiya mahadsanidin
Moha ninile kuso dhawo Galolmedicine,
Fadlan isasodiwan gali adigo raacayo tixraacan /kudhufo create account kadib buuxi foomka kadib su’alaha noogu soodir qaybta gaarka ah.
Mahadsanid,