Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Oohinta Caruurta Kooliga waa marka ay caruurtu jogteyan oohinta sidarana u ooyan wakhti dheer, Caruurta qaba kooliga guud ahaan caafimaadkoda waa uu fiican yahay laakiin, oohinta badan waxay waalidka kukeeni karta niyad jab waayo, waa oohin aan kusalaysnayn baahi gaar ah, waxa dhib noqonaysa inaad hesho waxad ilmahan yar ku aamusin lahayd.

Afka qalaad waxa oohintani lagu yidhahda Koolic Baybi (Colic Baby), Waxay yaraata ilmaha markay da’dodu gadho inta udhaxeysa 3 ila 4 bil kadib.

T.Maxan ku aqoonsada?

Oohinta Caruurta Kooliga

Caruurta inay ooyaan waa wax iska caadi ah, waa luqada kaliya aykuhadlan markay daremaan baahi ugaar ah laakiin, oohinta kooliga waa ayka duban tahay tan caadiga ah ay caruurta ooyaan, waxa lagu aqoonsan kara sida:

1.Waxay inta badan oohinta bilobata xiliga Fiidka

2.Waxay maalintii ooyaan 3 saac mise inkabadan, Asbuciina 3 jeer

3.Waxa casaada/guduta wajiga

4.Waxa adkaada lugaha iyo gacmaha

5.Waxa isu urura faraha, dhabarka oo noqda sida qansada

Oohinta badan waxa caruurta kukeeni kara kolik mise xanuuno kale sidaa daradeed, hadii aad caruurtada ku aragto oohin badan fadlan laxidhidh dhakhtarka mise dhakhtarka kugu dhow sidaad ugu hesho talooyin iyo dawoyinka kuhabon.

J.Maxa keena?

Aqoon looma lahan waxa sida dhabta ah ukeena kolikiga laakiin, waxa jira waxyaba fudeydinkara, waxa kamida:

1.Hadii habdhiska dheefshidka udhimanyahay koriinki logu talagalay

2.Hadi ilmaha Cunoyinka qaar xasaayid kuleeyahay

3.Hadi ilmaha jaqsinta/nujinta lagu badiyo mise layareyo

X.Majiran Xeelado lagu dagin karo?

Waxa jira xeelado kaladuwan lagu dagin karo Caruurta leh Oohinta Kooliga, Xeeladahan waxa macquul ah in ay qaar kushaqayn waayan halka qaarkalana ay kusuragalin karan inaad yareyso  kooliga, waxa kamida:

Oohinta Caruurta Kooliga

1.Inaad ugu qubeyso biyo diirimaad leh

2.Inaad kumaweeliso socsocod

3.Inaad sikhafifa/jilicsan ugu xoqdo caloosha mise dhabarka

4.Inaad ubadasho jabiga sida inaad ilmaha kento meel leh jabi cusub

Kh.Waalidka Maxa lagudbon?

Daryeelida caruurta leh oohinta kooliga, waxay waalidka kala kulmi karan daal iyo cadaadis, sida daraaded waalidka gaar ahaan hooyada waxa lagudbon:

1.Inay nafsadeda u ogolato nafis qaadasho sida inaad ilmaha udhiibto sayga, Hooyo,Aabbe,walaal mise qofkalo familka kamida

2.Inay xusuusnato mise la ogeysiyo In ilmaha caadi noqonayan da’da 3 mise 4 bil kadib

3.Inay darenkeda lawadaagto qofkale oo aykukalsontahay sida Hooyo,Sayga, Aabbe mise Walaal

4.Inay caafimaadkeda kudadaasho sida qaadashada cuno fiican

5.In aysan isu arkin qof nasiib xun

D.Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?

Oohinta kooliga Caruurta kumakento xaalad caafimaad laakin, waxa macquul ah waalidka inay kukento sida:

1.Inay dareeman cadaadis gaar ahaan hooyada, dhalmada kadib

2.Inay xili hore hooyada ilmaha jaqsinta/nujinta kajojiso

3.inay isu arkan dembile mise aykadaalan daryeelka ilmaha yar

Fadlan ha isku dayin in aad gilgisho mise ilmaha yar aadku samayso ruxruxid adiga oo isleh kudeji oohinta waayo, waxay caruurta kukeenta inay waxyeelowdo maskax mise ay udhintaanba, Xalaada nuucani waxa afka qalaad lagu dhaha Sheken Baybi Sindarom (Shaken Baby Syndrome).

Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha (Ask Question)

Mahadsanid,

W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,

On 17th/02/2020

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has One Comment

Leave a Reply