Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Caloolfadhiga – Calool-istaaga waa marka ay adkaato inay saxarada timaado, Waxa yaraada dhaqdhaqaaqa Caloosha mise Calool socodka(Inkayar 3, asbuuci).
Intabadani waxa Calool-fadhiga lagu arka Caruurta gaar ahaan markay isbadelaan cunada ay qaadanayan.
T.Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha Calool-istaaga kuwa Caruurta iyo dadka waweyn wax farqi ah umadhexeyan, waxaan ka ahayn habka ay cabashadoda usoo kalagudbiyaan, Calaamadaha lagu garto calool-fadhiga caruurta waxa kamida:
1.Inay saxarada adayg iyo qalayba noqoto
2. Inay Calool xanuun dareemaan
3. Inay xanuun dareemaan xiliga saxarada (waxay diidan suuliga)
4.Inaad surwaalka/hosgashiga/nigiska ku aragto raadadka saxarada
5.In dhiig lagu arko saxarada dusheda
J.Gorman dhakhtar aadi kara?
Calool-istaaga Caruurta intabadani wax dhib ah makeeno laakiin, hadii ay sii socoto mudo fog waxa macquul ah inay keenaan calaamado iyo xaalado kale sida dareedeed, waxaad ubaahan tahay inaad lakulanto dhakhtarkaaga mise dhakhtarka kugu dhow hadii aad caruurtaad ku aragto:
1.Cunitaan la’aan
2.Qandho
3.Calool barar
4.Saxaro dhiig
5.Miisaan/Culeys lumid
X.Maxa keena?
Waxa jira arimo kala duwan oo caruurta kukeeni kara Calool-fadhiga, waxa kamida:
1.Inay suuliga kabaqan mise aydiidaan xanuunka aykala kulmayaan xiliga xaajada
2.Hadii cunada ay qaadanayan kuyartahay faybariska. Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretiska(Carbohydrates), Jidhkeena abood uma lahan in uu burburiyo 100% sidaa daradeed, waxaa laso raaciyaa saxarada si ay calool socodka uwanajiso
3.Hadii uu isbadbadel kudhaco caado maalmeedka caruurta sida in la’aado safarada, jabiyada kulayl aha waayo, waxay saameyn kuyelan karaan calool-socod
4.Hadii faamiliga horey ulaha Calool-fadhiga, waxay ubadan tahay inay caruurtana yeeshaan
5.Caanaha lo’da, waxay keeni karaan calool-istaag
Kh.Yaa unuglan kara?
Calool-fadhiga waxa unuglan kara:
1.Caruurta ay kuyartahay cabida biyaha
2.Caruurta ay kuyartahay faybariska
3.Caruurta dawoyinka qaar qaata
4.Caruurta kudhasha mise leh xanuunada laxidhidh Dareemayaasha(Neurological Disorder)
5. Fadhiga badan
D.Side loga hortagi kara?
Qaabka ugu wanaagsan loogu hortagi karo Calool-istaaga waa:
1.Inaad caruurtada ukordhiso mise aad kudhiira galiso cabidda biyaha
2.Ina ay qaataan cunada laga helo faybariska
3.Inaad uqaabeyso tababar laxidhidh suuliga
4.Inaad caruurtada ku abaalmariso dadaalkooda
R.Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Calool-fadhiga hadii ladawenwaayo waxa dhici kara:
1.Inu daloshama maqaarka kuhareysan futada, waxa afka qalaad lagu yidhahda Anal fishar(Anal fissure)
2.Inuu malwadka dibadda kaso muuqdo
3.Waxa qofka ku uruura saxarada
Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 23th/03/2020
Updated On: 12th/02/2021