Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Tiifoow halka afka qalaad lagu dhaho Tayfoyid mise Tayfoyid fiifar(Typhoid Fever) waxaa xanuunka keena bakteeriya lagu magacaabo Salmonela tayfay(Salmonella Typhi).
Waxay bakteeriyani kubadan tahay Dalalka sookorayo, Magacan tayfoyid oo loogu magac daray haweney lagu magacaabi jiray Mary Mallon naaneysteeduna ahayd Tayfoyid mari(Typhoid Mary).
Waayo Marwadani waxay noqotay qofka ugu horeyay lagu arko xanuunka Tiifoowga. Bakteeriya in ay dhaliso xanuunkan waxaa soo ogooday dhaqtar lagu magacaabo Karl Joseph 1884 laakin waxaa jira dhaqtarkale xaqiijiyay cilmigan laguna magacaabo Georg Theodor 1850-1918.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxay kadiiwaan galisay xanuunkan inuu nolosha qatar galinkaro kudhabaadna 11 ilaa 20 milyan qof ay u xanuunsadaan halka inta udhaxaysa 128 kun ilaa 161 kun qafood ay udhintaan sanad kasta aduunka odhan.
Sidee ayuu xanuunkan ugudbaa?
Xanuunkan waxa uu kugudbi karaa sida:
1.in lacabo mise lacuno cuno wasaqaysan
2.in aad toos ugu soo qaado bukaan xanuunkan qabo
Maxay tahay Calaamadaha lagu arko bukaanka?
Xilihuuriska xanuunkani waa 1 ilaa 2 asbuuc kadib waxaa lagu arkaa calaamadahan sida:
1.Qandho saa’id ah
2.Tabar dari
3.Calool Xanuun
4.Rabitaanka cunto oo hoos udhaca
5.Firiric(Finan)
6.Daal
7.Dabaqaad
8.Calool Istaag mise Fuuq bax
FADLAN LAXIDHIIDH DHAQTARKAAGA AMA DHAQTARKA KUGU DHOW HADII AAD ISUGU SHAKIDO MISE QOFKALE AAD UGU SHAKISO XANUUNKAN.
Yaa unugul Xanuunkan?
Waxa unuglan kara:
1.In loo safro ama latago meel ay tayfoyidka kubadan tahay
2.Caruurta yar yar
3.inaad lanooshay bukaan qabo xanuunkan
4.dadka nadaafadooda ay hoosayso
Maxaa dhici kara hadii ladaweenwaayo?
Waxaa dhici kara sida:
1.inuu dhiig kufurmo xiidmaha(Mindhicirka)
2.Infakshankan inuu gaadho wadnaha,Sanbabada iyo Kelyaha
Maxaa looga hortagi karaa Tiifoowga?
Waxa loga hortagi kara in lacabo biyo nadiif ah, gacamaha saabun lagu dhaqo kahor cuntada iyo in aad iskatalaasho xanuunkan kahor inta aadan usafrin meel aykubadan tahay .
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 9th/08/019
Updated on: 9th/03/2021