Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Ameebo waa xanuun dhaliya ama keena jeermis aad uyar lagu magacabo entamiba histolitika (Entamoeba histolytica).
Xanuunkan waxa uu kamid yahay xanuunada caanka ah ee kudhaca habdhiska dheefshiid bini’adanka.
Bulshadeena qaarkamida ayaa aaminsan xanuunkan in uu gooryaan yahay laakin, ma’ahan sababtoo ah xanuunkan waxaa keena noole aad uyar, kana yar gooryaanka waana il-ma’aragto kaliya waxaynu ku’arki karnaa anagoo isticmaalna Wayneeysi(Microscope).
Somaalida qaar xanuunkan waxay ugu yeedhan AMBEEBA sida daradeed, aniga eray bixinta aad xariif ugu ma’ihi waxaana dhici karta inaad iga eraybixin wanaagsanatan.
Akhristaha qimaaha leh hadii aad uhayso eraybixin sax ah fadlan waxay rajaynayaa in aad inoo soogudbin doontaan insha’allah.
Noolahan waxuu leeyahay 2 qaab ama muuq:
1. Qaabka ugu horeeya waxa lagu magacaabaa sisti(Cyst) waxuuna usamaysanyahay qaab wareeg ah, cabirkiisa waxuu gaadhaya 10 ila 20 sintimitiris(Centimeters).
Sidokale, Marku waynaado waxuu yeelanaya 4 bu’(nuclei). Waxa uu awood uleeyahay in uu iska difaaco qaylka iyo asidka ka’imanayo Caloosha(Stomach Acid).
Sistigu marku gaadho xiidmaha waaweyn(Large Intestine) waxuu iska saaraya galka, kadib waxaa kaso dhexbaha 4ta bu’ mid walbana waxa uu noqonayaa Ameeba gaar ah, waxay maraan/galaan hab(Process) lagu magacaabo baynari fishan(binary fission).
Qofka kusumoba hal sisti(Cyst) waxay noqon doonta kudhowad 8 Torofozoyid(Trophozoite)
2.Qaabka 2baad waa trophozoite, waa marka uu noolohan awood uleeyahay in uu dhibaateeyo unugyada mindhiciryada waaweyn cabirkiisu waxa lagu qiyaasaa 10 ila 60 micrometer.
Side ayuu ugudbaa?
Xanuunkan waxu kugudba in la’isticmaalo cuno ama Biyo wasaqaysan mise in labada qof ay sitoos isugudbiyaan sida qof qaba xanuunkan ay saxradiisa silamafilaan ah kugaadho qof kale ama waxa afka qalaad lagu magacaabo(Fecoral).
Yaa unugul xanuunkan?
Xanuunkan waxaa unuglaan kara dadka sida:
1. Dadka kunool wadamada sookoraya
2. Dadka ay nadaafadooda hoosaysa
3 .Dadka usafra meelaha uu kubadanyahay
4. Dadka kunool dhulka wabiyada mara
Maxay tahay calaamadaha lagu garto?
Inta badan xanuunkan dadka qaba laguma arko wax calaamado ah laakin, waxa lagu qiyaasa kudhowaad 10kiiba qof Ameebada kudhacdo hal kamida lagu arko calaamado.
Calaamadaha lagu arki karo waxaa kamid ah sida:
1. Qandho
2. Qarqaryo
3. Saxaro dhiig
4. Calool xanuun aan badnayn
Side looga hortaga?
Waxaa looga hortagi karaa inaad:
1. Inaad isticmaasho cuno iyo biyo nadiif ah
2. Inaad gacmaha iska dhaqdo suuliga kadib ugu yaraan 15 ilbiriqdi
3. Inaad nadaafada suuliga dadaasho
4. Iska ilaali qofkale inaad lawadaagto sida tuwaalkaga/shukumaniga
5. Inaad iska ilaaliso cunada aan sificaan loo Karin
Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Hadii aad iska dawenwaydo waxaa dhici kara sida in caabuq uu kuwada dhaco mindhiciryada ayna dhintaan sido kale beerka inuu gabo shaqadiisa.
Hadii ayjiran su’aal laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’alaha (Ask Question),
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 19th/07/019
Updated on:29th/02/2021