Cinwan Hosedyada
Fakir Guud
Hargab Shimbir mise Hargab shimbireed hadba saad utaqaano waxa afka qalaad lagu dhaha Bird flu(Avian influenza).
Xanuunkani waxa dhaliya Fayrus lagu magacabo Infaluwensa teeb A(Influenza Type A). Kani waa fayrus ku fidi kara wakhti kooban(Xowli ayu ku faafi kara).
Magacan Hargab Shimbir Micna ahaan wuxu noqon kara Hargabka(Durey) ku dhaca Shimbiraha, waayo Infakshankani fayruska ah badana wuxu ku dhaca Shimbiraha iyo xayawaanada kale.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) aya laga diiwaan galiyay Fayruskan nuuca ladhaho H5N1 uu yahay kan ugu halissan ugu saamaynta badan ay Shimbiruhu udhintan iyo inu yahay kan badi Bini´aadanka uso gudba ee kudhaca.
Side La Isugu Gudbiya?
Xanuunkani wuxu ku gudbi kara ayado la taabto Shimbir, Lo´, Digaag mise Xayawaano kalo hore Fayruskan uqabay.
Xog kufilan oo cadayn u ah In laba qafood mise Bulsho ay isqaadsin karaan iyo inkale wali lama haayo. Laakiin waxa laga walwalaaya inu noqon karo xanuun Bulshada ku dhexfaafi karo.
Sida laga soo Xiganaayo CDC, 2024 Bisha Maarso(March) gaba-gabadeeda Magaalo ka tirsan Dalka Maraykanka ladhaho Louisiana aya laga diiwaan galiyay 64 kiis.
Maxa Lagu Aqoonsada?
Bukaanada uu kudhaca Fayruskan Nuucisa H5N1 Caalamadaha badi lagu arko waxa kamida:
- Shuban
- Qufac
- Hawa la´aan(Naqaska aya kudhagayo)
- Qandho
- Daal
- Cuno Xanuun
Kahortag Maleeyahay?
Qaabka ugu wanaagsan loogu hortagi kara aya ah adigo iska ilaaliya inaad usafarto meelaha uu ku badan yahay, Nadaafada Gacmaha in lagu dadaalo iyo Cunada sida Hilibka Digaagta aad sifiican isaga kariso.
Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaal Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Kudhufo Halkan).
Mahadsanid,
Last Updated on 3 weeks by Mas’ud Sayed