Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Miyir beelidda waxa afka qalaad lagu yidhahda kooma(Coma), waa xaalad qofka uu luminayo mise beelayo ogaalka, ogeyn waxa kadhacaya harerahisa/heda.
Xaaladoda guud ahaan waa sida dad hurdayo laakiin, hadii aad lahadasho mise aadkusamayso wax xanuunjinkara ma aboodaan inay kabixiyan wax falcelin ah.
Dadka kujira komada waa dad nool manakaran inay hadlan, fakiran mise jabab aykusiyan laakin, waxaa shaqaynayo sida neefsashada iyo wareega dhiiga.
Ereyga koma(Coma) asal ahaan waxuu kasoo jeeda Gariiga(Greek) oo micna ahaan loogu jeedo Hurdo qotodher(Deep sleep).
Koomada waxey kamid tahay xaaladaha caafimaad ee degdega ah (Medical Emergency) Sida owgeed, inta uu xaladani kujiro dhibanaha kooxda bixisa daryeel caafimaad waxay diirada sarayyan shaqada maskaxda iyo jidhka guud ahaan.
Dadka intooda badani koomadu waxay kaga sootosan mudo kayar 4 asbuuc, waxayna ugu sookabtan sitartiiib ah laakiin, mararka qaar ayaa waxa dhici kara in ay bukaanada kujiraan sanado badan.
T.Maxa keena?
Koomada waxa keeni kara marka ay maskaxdu dhaawacanto, gaar ahaan waxyeelada marka ay udadagto maskaxda hoos qaybteeda kantaroosha soojeedka iyo kawarhaynta. Dhaawacu waxa uu kadhalankara siyaabo kaladuwan sida:
1.Dhaawac kayimid shil gaadhi/baabur(Traffic accident)
2.Macaan(Sonkorow)
3. Dagaalada rabshadaha wata
4.Hawo la’aanta
5.Infakshan
6.Waxyaabaha sunta leh
J.Maxan ku aqoonsada?
Sidaan horey ugu cadeynay casharka qaybtisa hore, Koomadu waa xaalad caafimaad degdeg ah una baahan in dhibanuhu sida ugu macqulsan wax loogu qabto, Calaamadaha lagu arki karo waxay noqon karan:
1.Indho dabolan
2.Jabaab la’an
3.xanunka kama falceliyan
X.Sidee lodaweya?
Siloo ogaado xaladan waxa keenay, dhakhtarkaga waxa uu su’aalo waydinaya dadka kugu dhow sida:
- Hooyo
- Aabo
- Xaaskaaga
mise dadka kugu agdhowa marka ay dhibta kuso gadhaysay, siloo helo warbixin sax ah lagana howlgalo xalinta dhibaatada dhibanaha. Baaritaanada waxay isugu jiraan dhiigag iyo kambuyutaro.
Marka ladaweynayo xaaladan mudnaanta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa shaqada maskaxda, Hadii aad xaaladan qof ugu shakiso fadlan laxidhidh dhakhtarkaaga mise dhakhtarka kugu dhow.
KH.Maxey tahay sadasha losadaliyo xaalada bukaanka?
In lasadaliyo waxey kuxidhantahay inta ay la la’egtahay dhibta sogadhay bukaanka laakiin, dadka intoda badani koomada waxey kaga sotosan mudo kadib ayaga oo badqaba, halka qaar kalana ay lasotosan naafo(Disability), mise ay udhintan.
Xiliga koomada uu kujiro dhibanaha waxa lagu arki kara nabro mise infakshaniskale sida owgeed, waxa wanaagsan in sidhow loolasocdo xaalada bukaanka.
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
Galolmedicine,
On: 16th/12/019