Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Waraaboow halka afka qalaad lagu yidhahdo Sifilis (Syphilis) waa xanuun keena bakteeriya lagu magacabo Tarebunima Balidam, waxuna kamid yahay xanuunada galmada lagu kala qaado(STDs).
Hadii qofka uu kudhaco xanuunkan, waxay Bakteeridan abood buuxda uyelan karta inay jidhka isku qariso sanado badan ayadon dhibanaha laga arkayn wax calaamad ah.
Ururka Caafimaadka Aduunka(WHO) waxay diwangalisay macluumad aykaso ururiyel Waqooyi bari somaliya in bahsananta xanuunkan ugadhayo 1.4% halka waqooyi galbeedka somaliya uugadhayo 1.2%.
T.Gorma aya ladiwangaliyay xanuunkan? Yaa kumagacabay siifilis?
Xiliga ugu horeysa ee xanuunkan ladiiwangaliyo waxay ahayd marka uu kadilaacay qaarada Yurub(Europe), gaar ahaan Dalka Talyaaniga, Caasimada Naples (Waa caasimada 3aad ee ugu balaaran dalka talyaniga, ay ugu horeyan Roma iyo Milan) Sanada 1494 mise 1495 xiliga duulaankii faransiska.
Sida owgeed, xanuunkan waxa loogu yeedhi jiray xanuunkii faransiiska(French disease) laakiin Sanada 1530ka dhakhtar udhashay dalka talyaaniya laguna magaaca Girolamo Fracastoro ayaa ubadaley magaca Siifilis(Syphilis), waxa kalo latilmaama dhakhtarkan inuu sidokale ahaa gabyaa/Abwaan.
Sanada 1905ta, Dhakhatiir kaso jeeda Dalka Jarmalka lagu kala magacaabo Fritz Schaudinn iyo Erich Hoffmann ayaa ogaaday Bakteeriyada Tarebunima Balidam inay keento xanuunka waraabowga.
J.sidee ayuu kufidi kara?
Xanuunkan waxu kufidi kara sida Galmada iyo dhunkashada/Shumiska(Laakin ma’ahan wax intabadan dhaca). Qubeyska, In lawadaago suuliga/musqusha, dharka iyo waxyabaha cunada lagu cuno xanuunkan kuma gudbo. Hooyada uurka leh way ugudbin karta uurjiifkeda(Ilmaha uurka kujira).
X.Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha xanuunkan lagu arko waxa lagu saleeyaa marxalada uu joogo(Stage of Syphilis), sidaa daraadeed, waraabowga waxa looqaybiyaa ilaa Afarta marxalo, waxay kala yihiin:
1.marxalada ugu horeysa waxa lagu magacaab Baraymari Sifilis(Primary Stage)
Marxaladani waxay dhacda kadib marka ay qofku Bakteeriyadu gaadhu kudhowaad 3 ilaa 4 asbuuc, dhibanuhu waxa lagu arkaya nabar yar, qaab wareeg leh, laguna magacabo Jankar/kankar(Chancre).
Jankarka wax xanuun ah malahan laakiin, waxaa aad ugu badan jeermiska. Sido kale nabarkan waxa uu kasoo muuqan kara sida:
1.Xubnaha taranka
2.Futada
3.Afka
2.Marxalada labaad waxa lagu magacaaba Sikandari Sifilis(Secondary Syphilis)
Firiiric(Finan) iyo Cuno xanuun ayaa lagu arkaya dhibanaha laakiin, finanka malahan wax cuncun ah, waxay inta badani kasoo muuqdan Sacabka iyo Calaacalaha, Calaamadaha kale lagu arki karo waxa kamida:
1.Madax-xanuun
2.Xumad/Qandho
3.Daal
4.Kalagoys/Isgoys xanuun(Joint ache)
3.Marxalada Saddexad waxa lagu magacabaa Laytanti Sifilis(Latent syphilis)
Xaaladani waxa micna ahaan loogu jeeda xaalada Qarsoon, waayo waxa qarsoma calaamaha lagu arko kan Baraymariga iyo sikandariga, ayado Bakteeriyada wali jidhka laga dhexhelayo(waxan horey ugu sotilmanay bilowga casharka)
4.Marxalada ugu dambeysa waxa lagu magacaaba Tarshari Sifilis(Tertiary Syphilis)
Waa marxalada ugu dambeysa, ayado laga sooxiganayo shabakada Mayoclinic kudhowaad 15% ilaa 20% dadka aan laga daweyn waraabowga ayaa marxaladani sogadha.
FG: Marxaladani sidoo kale waa marxalad dhibanaha nafsadiisa uu kuwaayi karo hadii aan loo dawen sida ugu dhaqsiyaha badan.
Marxalada 4aad waxa kadhalan kara sida:
1.Arag la’an
2.Maqal la’an
3.Xusuus lumid
4.Xanuunka dhimirka(Mental Illness)
Kh.Maxa lagu daweya?
Dawooyinka lagu daweyo xanuunkan waxay isugu jiraan Qalajiye iyo dawooyin kale, Fadlan laxidhiidh dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow hadii aad qof ugu shakiso xanuunkan, sidaad ugu hesho Talooyin iyo Dawooyinka kuhaboon.
D.Side loga hortagi kara?
Qaabka ugu wanaagsan loogu hortagi karo waraabowga ayaa ah inaad kafogaato Galmada aan amaanka ahayn(Unsafe sex) iyo xaaranta sida sinada.
[ratings]
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qeybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On 13th/01/020
Updated On: 05/05/021
Waad mahadsanidiin galool medicine qofka qaba xanuunkan waraabowga ama isfiilato hadii uu gaadho marxalada afraaad ee tertiary lagana arko calaamadihii marlaxada afraad shaybaadhkana lagu ogaado hadii qofka la siiyo dawada ma ka dawoobi karaa suasha labaad xubnihii jirka ee uu saamaynta ku yeeshay sida xasuusta oo luntay araga ama maqalka oo lumay qofku dib ma u bogsan karaa oo xasuustii iyo aragii ma heli karaaa
Waad mahadsan tihiin
Nasir kuso dhowo Galolmedicine,
Jabaabta Emailkan kugu sodirnay. Mahadsanid,