Cinwan Hosedyada

Fakir Guud

Shahwada maxa badiya? Tani waa su´aal ay dad badani iswaydiyaan gaar ahaan Ragga. Shahwadu waxay kaalin muhiim ah ka tahay Dhalmada.

Waxyaabo kala duwan aya saamayn ku yeelankara sida inay badato mise inay yaraato. Waxan maanta Maqalkani Diiradda ku saarayna waxyaabaha Shahwada badiya.

Waxa badin kara Jimicsi joogta ah, Farxadda, Cunadda, Duxda  Caafimaadka leh iyo Fiitamiinka.

Qaabka dabiiciga ah lagu badin kara Biyaha Ragga Waxa kamida:

Shahwada cuntooyin badiya

1. Jimicsiga

Miisaanka jirko korodho wuxu saamayn kuyeelanaya Dhalmada. Hadii BMI(Body mass index) 25 sare ugu maro waxay kadhigan tahay miisaankaga inu badan yahay.

BMI(Body Mass Index)  gu waa cabir loo adeegsado in lagu ogaado Culayska jirka.

2017 cilmi baaris lasameeyay aya lagu tilmaama ugu yaraan in Asbuuc walba saddex jeer ilaa 50 daqiiqado jimicsiga lasameeyo ay Biyaha(Shahwada) kordhinkarto.

2. Farxadda

Qofba qofka kale uu ka farxad badan yahay waa uu ka Shahwo fiican yahay. Caadi ahaan marwalba mashaqayso inaad faraxsanaato. Markay Noloshu kuso Hordhigto Arimo istarees iyo murugo leh way adagtahay inaad faraxdo.

Hormoonada Istareeska sida Cortisol ka  jidhka marka laga soo daayo waxa laga yaaba inu hoos udhigo Manida Ragga.

3. Cunadda

Cunada Caafimaadka leh sida kuwa laga helo anti oksidantiska(Antioxidants) aya Shahwada badiya. Maadadani cuntoyinka laga helo waxa kamida Cambaha, Saytuunka, Ananaaska, Lowska iyo kuwa kalo badan.

Muuqaalan ugu hadlayno  Shahwada Cuntooyinka Badiyo Daawo (Halkan Kudhufo).

Maadada oksidetifka(Oxidative) boqolkiiba sideetan 80% ayay shahwada hoos udhigta ayay dhahaan Cilmibaarisyada.

4. Dux(Dufan)

Unugyada Manida Ragga waxa sameeya dux, Dufanta guud ahaan waxay leedahay 2 nuuc, Mid caafimaadka u wanaagsan iyo midaan ufiicnayn. Dux da aaan ka hadlayno waa tan wanaagsan.

Omega 3 waa nuuc kamida Duxda Caafimaadka leh, Waxa laga helaa Kalluunka iyo Lowska.

5. Fiitamiinka

Cilmi baaris lagu kalsoon yahay aya daaha ka qaaday in fiitamiinku ka qayb qaato shaqada Xiniinyaha iyo Barostaataha(Prostate) gaar ahaan fiitamiin D.

Fiitamiin D ga diyaarsan(Vitamin D supplementation) in loo qaado shahwo kordhinta wali lama xaqiijin sida owgeed, hadaad rabto inaad qaadato Fadlan kahor intaadan qaadan laxiiriir Dhakhtarkaga mise Dhakhtarka kuugu dhow.

Shahwada Tiradeeda Caadiga ah imisa laga raba?

Su´aal

Shahwadu waxa ku dhexjiro sameeya unugyo afka qalaad lagu dhaho Isbeerma(sperm cells), Biyo bax walba Tiradda caadiga laga rabo caafimaadkana waafaqsan waa 39 Milyan.

Dhakhaatiirtu 15 milyan waxa kahoseya ayay ku tiriyaan inaysan ku filnayn dhalmada.

Hadii Ay Jiraan Su´aal Laxidhiidha Maqaalka Fadlan Noogu Soo Gudbi Qaybta Su´aalaha(Ku dhufo Halkan).

Mahadsanid,

Last Updated on 2 weeks by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply