Cinwan Hosedyada

B. Hordhac:

Qaniinyada Maska waa qaniinyo halis ah. Masku(Snake) waxa lagu tiriya xayawanada cuna hilibka, waxu leyahay dherer, malahan lugo laakin waxa dhici kara inay masasku qaar kamida yeeshaan lugo  sida, kan lagu magaaco bayton(Python).

Waxa laga heli kara bad iyo bariba(Kaymaha iyo lamadeganada).

Masasku waxay isugu jiraan qaar udhaqaaqa ugaadh(Hunting), halka qaarkalana aysan udhaqaqin inay wax ugadhsadan ayaga oo isticmaalaya xeelado sida inay iskuqariyaan dhulka lamadaganka ah oo halkasi kusugaan waxay cuni lahaayeen.

Maska ugu yar waxa lagu magacaabo tareed isnake(Thread Snake) micna ahaan aytahay maskii dunta, maskani waxu cuna sida beeda/ukunta, qudhanjada iyo cayayaanka halka bayton iyo Anakondas(Anacondas) ay kamidyihin masaska waweyn waxayna cunaan sida deerada, dofarada, Jiidhka/doliga, kaluunka iyo raha i.w.l.m. masaskani waxay leeyihiin murqo(Muscles) aad uxoogan una fudeydiya liqitanka marka ay xayawaanadani cunayaan.

T. Maxey kasamaysan tahay sunta uu masku leeyahay? Ilaa imisa nuuc ayey noqonkarta?

Sunta ay isticmalayan masasku waa candhuf dorsontay, waxay kacabisa dhefshiidka, waxay kasamaysan tahay waxyabo  kaladuwan, hadan isticmaalo eraybixin fudud waa barotinis kaladuwan, waxana loqaybiya ilaa 4nuuc kala ah:

1. Qaar sababa inay waxyeelo ugaystaan nudayasha jidhka

2. Qaar sababa dhiigbax aan laga arkayn dibada

3. Qaar waxyeelo ugaysanayo Habdhiska Daremayasha

4. Qaar waxyeelo ugaysanayo wadnaha

J. Labada famil ugu qatarta badan masasku maxay yihin?

Waxa jira 2 famil kamid ah masaska ay yihiin kuwa ugu halista badan:

1. kan kobad – waxa lagu magacaba Elapid famili, waxa kamida kobraha

2. Kan labaad – waxa lagu magacaba Vaybar famili (Viper family) waxa kamida ratal isnek(Rattlesnake) waa kan ay somalidu utaqaano Abeeso.

F.G. Masaska sunta leh waxaa lagu qiyaasa  kudhowaad 400 ilaa 3,000 nuuc inay yihiin Dunida oo idil,

X. Maxan ku aqonsada qaninyada maska?

Calaamadaha guud ee lagu aqoonsan karo qof uu qaniinay mas waxay noqon karan:

1. Inaad aragto labo dhaawac daldalool leh iskuna dhow

2. Inaad ku aragto Barar iyo casaan hareeraha nabarka/dhawaca

3.Xanuun

4. Neefsashada oo dhib kunoqota

5. Lallabo iyo matag

6. Arag cawlamid

7. Dhidid iyo dhareer

8. Wajiga iyo lugaha oo kabubyoda

Kh. Abeesada

Calaamadaha lagu arki karo qofka ay qaniinto maska looyaqano Abeeso:

Qaniinyada Maska

1. Xanuun aad udaran

2. Isha baalkeeda oo hoos udhaca

3. Caadiska dhiiga oo hoos udhaca

4. Haraad/Oon

5. Daal/Murqaha oo dabca

D. Kobraha

Calaamadaha lagu arki daro qofka uu qaniino maska Kobraha(Cobra)

1. Xanuun soo degdega oo sa’id ah

2. Maqaarka oo badelma

3. Qofka inuu shook galo

4. Cadaadiska dhiiga oo hoos udhaca

5. Tabar dari

R. Gargaarka degdega ah loosamaynayo maxuu yahay?

Qofka hadii uu qaniino mas waxaa muhiim ah in loo dedejiyo isbitaalka kugu dhow waayo waa xaalad degdeg ah(Emergency situation) laakiin, waxa jira wax yaabo lobahan yahay in loo qabto dhibanaha kahor goob caafimaad, waxa kamida sida:

1. In lalaxidhiidho goob caafimaad.

2. In xaalada bukaanka ladajiyo, lagana yareeyo dhaqdhaqaqa, waayo dhaqdhaqaqa badan waxu fudeydinaya inay sunta kufafto jidhka intisa kale.

3. Hadii bukanku xidhanyahay dharkudhegan mise wax yabo kale caburinayo kasaar, sababto ah eeriyada kuharaysan halka uu masku qaninay waxay ubadan tahay in ay bararto.

4. bukaanku Ha u ogolan in uu lugtisa kusocdo, kuqaad gaadhi mise waxyabo kale aan ahayn socod.

5. Hadii aad aboodo maska soosawir, si loo ogaado nuuca uu yahay, waqti ha’isaga lumin inaad ugaadhsato mise disho maska, hadii ay arintaasu dhalinayso in bukaanka ladayaco.

S. Quraafaadka laga aminsanyahay gargaarka degdega ah

Waxa jira xirfadooyin hore ah oo ay dadka qaar isticmaalan marku qofku qanino maska, xirfadoyinkasi ma’ahan kuwa wax utarayo dhibanaha, waxaba dhici karta in ay waxyeelo ugaysato.

1. Halka uu masku qaniinay ha xidhin

2. Dhawacu masku sababay hajarin

3. Hasaarin nabarka waxyaabo qabo ah sida barafka

4. Dhaqtar la’an dhibanuhu hasin dawoyin

5. Hajaqin/nuugin eeriyada masku qaniinay

Sh. Sidee loga hortaga?

Waxa fiican inaad kafogaato mise kafeejignato meelaha ay masasku galan/kubadanyihin sida howdka iyo buuraha.

Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qayta Su’aalaha(Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On 27th/10/019

Updated On: 21th/10/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

This Post Has 4 Comments

  1. Abdi wahab maxamuud

    Asc Dr hadii uu qofku qaniino mas ama shey kale meeshiina dhiig kasocdo meshaas maladuubi karaa ama meel ka koraysa malaga xiri karaaaa………. Mahadsanid wll
    Waxaan filayaa inaa comment inaa kasoo jawabi donti I a

    1. Dr.Mas'ud Sayed Ali

      W.salam, Kuso dhawo Galolmedicine.
      Maska halka uu qaniino lama duubo sida casharkaba kucad meeshuna waxay ubadan tahay in aysan lahayn dhiigbax xoogan laakin, hadii uu dhaawacu keeno waxkale sida midida mise xabada then indhiiga lajoojiya waa muhiim.

  2. Mukhtar Tio

    Waxaa jirtaa dad ka qaar waxay sameeyaan in marka qofka bahalku cuno in ay siiyaan wax yaabi sida =basasha bahasha la dhaho ayago dhibanaha mesha bahalku cunay kor utagayaa halkaa maxaa la oran karaaa

    1. Dr.Mas'ud Sayed Ali

      Mukhtar Tio kuso dhawo Galolmedicine,
      waay dhici karta in ay basashu saamayn kuyeelato nabarka laakin sunta masku waxba kamaqabato, in qacanta sare lootaago mise dhaqdhaqaq lasameeyo lama ogola sidan casharba kucadaynay.
      Galolmedicine,

Leave a Reply