Cinwan Hosedyada

B.Hordhac:

Teetanada waxay kamid tahay xanunada kudhaca habdhiska daremayasha (Nervous System), waxay sababta in ay murqaha kadhigto mid isu urursan kadibna adkada.

Lock jaw(Lok-Jaw) waa magaca labaad ee afka qalad loogu yeedho tetanada(Tetanus), sababtuna waxay tahay inta badan waxay isu ururisa murqada qoorta(Neck) iyo daanka(Jaw).

Teetanadu waxa lagu qiyasa in boqolkiiba 10 ilaa 20 uu qofku udhimankaro sida laga soxiganayo Centers For Disease Control and Prevention (CDC) sida daraded, dawo la’an dhibanuhu nafsadiisu waa uu kuwaayi karaa.

T. Maxa keena?

Kolostaridiyam tetanay (Clostridium Tetani) waa backteeriyada keenta xanuunkan, bacteeriyadan waxa laga helikara sida boodhka/Busta, dhoobada iyo saxarada xoolaha, waxay abood uledahay inay deegaansato deegaanada kulaylaha ah (high heat environment).

J. Maxa teetanada ufudeydiya inay qofka kudhacdo?

Waxaa jira xaalado ufudeydinayso bacteeriyada inay dhexqaado dhuumanka dhiiga mara kadib ay sida kugaadho habdhiska dareemayasha, xaaladahaasi waxaa kamida:

1. Dhaawacyada culus

2. Dhaawacyada aan ladaryeelin

3. Gubashada

4. Boogaha keenay sida musbaar/musamirta

Kadib marka ay bakteeriyadu gaadho Habdhiska dareemayaasha waxay sodaynayso sun lagu magacaabo Tetano’ispasmin(Tetanospasmin), suntaas waxay xidhaysa  dareemayasha signals gadhsin laha murqaha taana waxay keenaysa inay murqaha isu ururan kadibna adkadan.

Teetanada waxaa lagu tiriya xanunada aan la’isqaadsin Karin

X. Teetanada maxan ku aqoonsadaa?

Xilihuuriska teetanadu waa 3 ilaa 21 maalmo laakin, inta badan calaamaduhu waxay soo muuqdaan maalinta 14aad, Calaamadaha waxay noqon karaa sida:

1. Murqaha qoorta iyo kan daanka oo adkaada

2. Laqitaanka oo dhibnoqda

3. Qandho

4. Dhidid

5. Markay isu ururan murqaha jidhka waxay dhibanuhu kukenan xanuun ilaa dhowr daqiiqo ah, xaaladani waxay inta badan dhacda bukaanka marka uumaqlo qaylo, lataabto mise uu arko iftiin.

6. Caadiska dhiiga oo korodha

Fadlan laxidhidh dhaqtarkaga mise dhaqtarka kugu dhow sided ugu hesho talooyinka iyo dawooyinka kuhaboon teetanada.

Kh. Hadii aanan dhakhtar latagin mise ladawen maxa dhacayo?

Dhakhtar hadan lotagin mise ladawen waxa dhici kara:

1. In uu naqaska kudhago bukaanka

2. Sambabada oo infakshan qaada

3. Maskaxda oo dhaawacanta

4. Lafo jajab gaar ahaan sida lafdhabarka

D. Maxa loga hortagi kara?

Waxa jira Talaal la’isaga difaaco teetanada, talaalkaasi waxuu qayb kayahay talaalada sida kan gowracatada iyo Hiiqdheerta.

Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On 14th/10/019

Updated On: 15th/10/021

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply