Cinwan Hosedyada

Hordhac:

Hargabka waa xanuun dhaliya mise keena nuucyo kala duwan oo fayraska(Virus) kamida waxaana lagu qiyaasa inkabadan 200 nuuc.

Laakin hadana waxa jira hal nuuc caanku ah xanunkan waxana lagu magacaaba Raynofayras(Rhinovirus) waxu waxyeleya sanka iyo cunaha.

Xanuunkan inta badan bukaanka dhib uma keeno, caruurta yar yar aad bay ugu nugul yihiin halka dadka waweyn loo filayo in uu kudhaco 2 ilaa 3 jeer sanadkiiba.

Inta badan dadka waxay kaga bogsadaan Kadib marka uu kudhaco hargabka asbuuc ama 10 casho.

Laakin hadii uu bukaanku yahay mid isticmaala sigaarka maalmaha bogsashada intaas wayka badan karta.

Calaamahada lagu garto

Calaaamadaha hargabku waxay soo muuqdaan inta udhaxaysa 1 ilaa 3 maalmo kadib marku kugaadho fayraska waxana dhici karta calaamadaha inay dadka kukala duwanadan waxay noqon karan:

1. Duuf kada’ sanka

2. Cuno xanuun

3. Qufac

4. San cabudhnaan(Ciriiri)

5. Madax xanuun aan badnayn

6. Hindhiso

7. Qandho aan badnayn

8. Daal

Goorma ayaan dhaqtar aadi karaa?

Waxad ubaahantahay inaad lakulanto dhaqtarkaaga ama dhaqtarka kugu dhow hadii aad isku aragto mise aadku aragto caruurtaada sida:

B. Dadka Waaweyn

1. Qandho saa’id ah

2. Hadi ay qandhadu kabadato 5 casho mise aytahay mid sonoqnoqata

3. Neefsashada hadii ay dhib kugu noqoto

4. Madaxa mise cunaha oo sa’id uxanuna

T. Caruurta

1. Qandho daran

2. Qandho kabadan 2 malmo

3. Dheg xanuun

4. Hadi uu rabitanka cuntada hoos udhaco

4.Yaa unugul?

Waxa unugul sida:

1. Caruurta ay da’doodu kayartahay 5 jir

2. Dadka difaaca jidhkooda uu hooseeyo

3. Dadka sigaarka caba

4. Dadka da’da ah

5. Hadii uu familkaaga mid kamida xanuunka latacalayo

Maxaa dhici kara hadi ladawenwayo?

Waxa dhici kara:

1. Infakshan(Infection) kudhaca dhegta

2. Hiiqdheer

3. Infakshan kudhaca cunaha

Maxay tahay farqiga udhaxeeya hargabka(Colds) iyo Fuluuga(flu)?

Somaalida qaar ayaa aaminsan labadan xanuuno inay isku midyihin lkn arinka sidaa ma’ahan oo waxaa udhaxeeya farqi waxana kamid ah:

1. Hargabka waxuu leeyahay qandho dhexdhexad ah halka fuluga ay qandhadiisu darantahay

2. Hargabku waxa keena nuucyo kala duwan oo fayraska kamida halka fayraska keena fuluga yahay halnuuc

3. Hargabka malahan madax xanuun mise waxuu yeelanaya madax xanuun dhexdhexaad ah halka fuluuya uu leeyahay madax xanuun daran

4. Fuluuga malahan hindhiso halka hargabku uu leeyahay

Akhristayaashena waxan kacodsanaynaa hadii ay uhayaan eray bixin sax ah oo laxidhiidh fuluuga fadlan waxaynu filayna in aad nala soowadaagi doontan. Mahadsanid,

Hadii ayjiran su’aal laxidhidha Maqaalka Fadlan noogu soogudbi qaybta su’alaha (Ask Question).

Mahadsanid,

Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,

On: 05th/08/019

Updated On: 09th/09/021

Last Updated on 4 years by Mas’ud Sayed

Kaqayb qaado sare udaadida wacyiga Bulshada Soomaaliyeed adigo lawadaagayo saxibadada ama dadka kale!

Leave a Reply