Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Buruseelka waa xanuun keena Bakteeriya(Bacteria) lagu magacaabo Burusela(Brucella),waa sababta keentay in loogu yeedho magaca Buruseel.
Xanuunkani waa Zuunotic infakshan(Zoonotic infection) micna ahaan loogu jeedo in xanuunkani intabadan laga helo xayawaanada laakiin, bini’adanka wuu kudhici kara.
Buruseelka waxa aqoon loolaha 2kun sano (2,000 years) kahor, ugu dambeyntii xanuun dhaliyaha(Burusela) waxa la ogaaday sanada 1887kii, waxa kalo bacteeriyadan loo adeegsada hubka ayado laga faa’idaysanayo inay leedahay abood ay hawada kuheehawdo .
T.Side ayu kufidi kara?
Xanuunkani waxa uu bini’adanka ugu sogudbi kara ayado la’isticmaalo hilibka mise caanaha xayawaan horey Bakteriyadan ugu sosumobay. Xayawanada waxa kamida sida:
1.Lo’da
2.Ariga
3.Geela
Waxa kalo laga qaadi kara Eyga iyo Doofaarka, waxan horey u tilmanney inay bakteriyadan hawada heehawdo sida owgeed, waa laga qaadi kara hawada. Qofka waa ugudbin kara qofkale, Hooyada uurka leh way ugudbin karta uurjiifka laakiin ma’ahan wax intabadan dhaca.
Xusuusnow:
Xanuunkani waxu jidhka bini’adanka kugadhi kara 3 qaab:
1.Inu dalooliyo maqaarka
2.Inu hawada raaco(Intabada ma’ahan waxa dhaca)
3.Inu cunada raaco sida caanaha mise hilibka aan sifiican lokarin/karkarin
J.Buruseelka nuucyo maleeyahay?
Bakteeriyada keenta Buruseelka waxay leedahay nuucyo kala duwan, lagana heli karo xayawaano kala duwan, Nuucyada waxa kamida:
1.Brusella melitensis:
Nuucani waxa laga hela idaha iyo ri’da/ariga, waa kan ugu badan bini’adanka kukeena Buruseelka
2.Brusella Suyis(Suis):
Infakshanka nuucani waxa laga hela doofaarada, waa kan ugu badan laga helo dadka cuna ahaan uqaata doofaarka, Waxa kamida dadka aan heysan diinta islaamka(Gaalada).
3.Brusella Canis:
B.canis waxa laga qaada Eyga waxu kubadan yahay bartamaha, koofurta iyo waqooyiga Ameerika
4.Brusella abortus: waa nuuca laga qaado lo’da
X.Maxa lagu aqoonsada?
Calaamadaha hore uu Buruseelka yeelanayo waxay lamid yihin kuwa Hargabka, waxa kamida:
1.Cuno la’aan(Waxa hoos udhaca rabitanka cunada)
2.Qarqaryo
3.Qandho(Waxay caan kutahay inay qofka xiligaar ah qabato xilina sidayso)
4.Daal
5.Madax xanuun
6.Dhabar xanuun
7.Calool xanuun
8.Isgoys Xanuun(xanuun laga dareema isgoysyada lafaha)
9.Miisaan lumid(Waxa hoos udhaca culeyska qofka)
10.Dhidid
Kh.Gorman dhakhtar aadi kara?
Buruseelka way adkaankarta in la’ogaado xiliyada hore waayo, waxay isudhowyihin calaamadaha kuwa hargabka laakiin, hadii aad isku aragto qandho, qarqaryo, daal iyo murqo xanuun waxa wanaagsan inad lakulanto dhakhtarkaga mise dhaqtarka kugu dhow sidaad ugu hesho taloyin iyo dawoyinka kugu habon.
D.Yaa unuglan kara?
Xanuunkani waxa unuglan kara dadka kunool qaaradaha sida:
1.Afrika
2.Aasiya
3.Mexico iyo Bartamaha,Koofurta Ameerika
4.Bariga dhexe
5.Bariga iyo koonfurta Yurub
R.Side logu hortagi kara?
Qaabka ugu wanaagsan loogu hortagi karo xanuunka ayaa ah:
1.Waxad iska ilaalisa cunada aan sifiican lookarin
2.Isticmaalka kahor karkari caanaha
3. In aad kafogaato meelaha uu kubadan yahay
S.Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Hadii xanuunkani ladawenwayo waxa dhici kara:
1.Inu infakshanka ugudbo wadnaha
2.Inay xaniinyaha waxyeeloban
3.Inuu infakshanka gaadho Beerka, beeryaraha iyo Maskaxda
Hadii ay jiran su’alo laxidhidha casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On:3th/30/2020