Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Sanboorka waa caabuq kudhaca xuubka (Mucous membrane) uu leeyahay sanka. Waxu lasoconkara xasasiyadda mise Infakshanka (Infections).
Sida daraaded, waxu kamid yahay xanuunada xasaasiyada mise Elergika(Allergic diseases).
Sanboorka waxu saameyn kara indhaha iyo cunaha
Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha Sanboorka waxu kubilowda sifudud, kadib waa uu siixumanaya, Calaamadaha waxa kamida:
1.San-cabudhnan(Ciriiri)
2.San-cucun
3.Duuf kada’a sanka
4.Hindhiso
5.Qufac
6.Madax xanuun
7.Qofka indhaha ayu kabiyoda wayna cuncunaan
Maxa keena?
Waxyabaha keena sanboorka waxa loo eega nuuca sida:
B.Sanboorka Xajiinta/xasaasiyadda/Elergika (Allergic rhinitis)
Magaca kale logu yedho nuucani waa Hay fever, waxu dhaca markad hawo ahaan uqaadato waxyabaha xasaasiyada aad kuleedahay.
Waxyaabaha qofka xasaasiyada uu kuqaadi karo waxa kamida:
- Cawska
- Geedaha
- Xayawaanka sida Bisada iyo baranbarada
- Boodhka/Siigada/Busta
T.Sanboorka aan xasaasiyadda ahayn
Sanboorka nuucani way adagtahay in laga sooco kan xasaasiyada, waayo xidhiidh lamalahan falcelinta difaaca jidhka uu kasameysanayo xajiinta. Waxyaabaha kicin kara waxa kamida:
- Infakshanka
- Dawoyinka qaar sida kuwa lagu yareyo cadaadiska dhiiga
- Qiiqa/qaaca
- Hadii cimilada isbadelan
Xasaasiyada nuucani waxay sidokale dhici karta hadii ay jiran dhibatoyin laxidhidha daloolka sanka sida Hilibka sanka(Polyp).
Ayado baaris lagu sameeyay qaaradaha aduunka sida loogu kala badan yahay sanboorka waxay Africa noqotay 7.7% halka qaaraha yurub iyo Asia noqdeen 38.5%.
Yaa unuglan kara?
Qofka waxu xanuunkani unuglan kara:
1. Hadii qof kamida qoyska xanuunkani laha
2. Hadii degaankad kunoshahay uu leeyahay qiiq badan
3. Hadii qofka leeyahay xanuunka neefta
Maxa lagu daweya?
Qaabka ugu wanaagsan lodawenkara sanboorka waa inuu qofka kafogaado waxyaabaha xasaasiyadda uu kuleeyahay. Hadii ay jiraan calaamado waxad uqaadan karta dawoyinka la’ogolyahay in laga iibsado farmashiyaha sida dawoyinka yareeya Caabuqa.
Waxay lafta madaxa/dhakada leedahay daldalolyo lagu magacabo Saynusis(Sinusis), hadii ay daldaloolyadasi sogadhan caabuq waxa afka qalaad lagu yidhahda sinusaytis(Sinusitis).
Akhristaha sharafta leh haday jiray eraybixin sax ah laxidhidha sinusaytiska fadlan nalasowadaag.
Mahadsanid,
Hadii ay jiran su’al laxidhidha Casharka fadlan nogu sogudbi qaybta su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 27th/07/2020
Updated on: 28th/12/021
Last Updated on 3 years by Mas’ud Sayed