Cinwan Hosedyada
Hordhac:
Cambaha waxa afka qalaad lagu yidhahda Mango, halka erayga sayntifiga ah mise cilmiyeysan loogu yeedho (Mangifera indica). waxa asal ahan marka ugu horeysa lagu arkay Dalka indiya iyo dalal dhaca koonfurta Asia oo guud ahaan tiradodu ay gadhayso 11 dal, waxa kamida sida, Indonesia iyo Malaysia.
Qaybo kamida dunida, Cambaha waxay ugu yeedhan Boqorka khudrada/khudarta (King of fruits), waxa uu dhexda kuleyahay abuur/iniin(Seeds) oo labeeran karo.
Abuurka Cambaha magaca caanka ah ay soomaalidu utaqaano waa laf, waana sababta kadambeysa in ay soomalidu qaar ugu yeedho magacan labaad ee ah Cambe-laf.
Waxa jira kumanan nuuc oo kamida cambaha, midkastaba waxuu leeyahay dhadhan, cambir, Midab iyo qaab ugaar ah. In ay dadku beertaan cambaha waxa laga jooga mudo sare udhafaysa inkabadan 4 kun sano.
Intaa kadib, Maqaalkan waxa aan kugu sogudbinayna 5 kamida fa’idoyinka caafimaad uu leeyahay Cambaha.
1. Waxa kujira nafaqooyin kaladuwan
Cambaha malahan kaloori (Calories) badan laakin, waxa kabuuxa nafaqooyin kaladuwan tusaale, hadii aad soo qaado 165 garam oo cambaha lajarjaray ah waxa kujira:
Tirada | Magaca | Garamka iyo Barasantejka% |
---|---|---|
1. | Kaloori | 99 |
2. | Barotiinis (Proteins) | 1.4 garamis |
3. | Carbis (Carbs) | 24.7 garamis |
4. | Fat (Duxda) | 0.6 garamis0.6 garamis |
5. | Faybaris (Fibers) | 2.6 garamis |
6. | Fitamin C (Vitamin C) | 67% |
7. | Kobar (Copper) | 20% |
8. | Folayid (Folate) | 18% |
9. | Faytamin B6 (Vitamin B6) | 11.6% |
10 | Faytamin A (Vitamin A) | 10% |
11. | Faytamin E (Vitamin E) | 9.7% |
12. | Faytamin B5 (Vitamin B5) | 6.5% |
13. | Faytamin K (Vitamin K) | 6% |
14. | Niyasin (Niacin) | 7% |
15. | Botasiyam (Potassium) | 6% |
16. | Raybofalafin (Riboflavin) | 6% |
17. | Manganis (Manganese) | 4% |
18. | Sayamin (Thiamine) | 4% |
19. | Magnisiyam (Magnesium) | 4% |
2. Waxa laga hela madoyinka jidhka sunta kasaara
Cambaha waxa kujira inkabadan kumanan madooyinka sunta jidhka kasara, waxa kamida sida katajinis/Katkinis (Catechins), Ansosiyaninis (Anthocyanins) iyo Kuwersitin (Quercetin). Waxay unugyada jidhka ka’ilaliyan inlawaxyeleyo.
3. Waxa uu xoojinaya difaaca jidhka
Sidaan horey qoraalka ugu sootilmanney, Cambaha waxa laga hela Faytamin A gaaraya 10%, waxu muhiim uyahay difaaca jidhka.
waxay sidokale jidhka kasaacidan in laga saaro infakshanka ayado lakordhinayo tirada unugyada dhiigga cad. Sida owgeed hadii uu jidhkagu noqdo mid ay kuyartahay faytamin A, waxad u nuglankarta infakshan(Infection).
4 .waxa uu sare uqaadaa caafimaadka indhaha
Madooyinka lagu kala magacaabo liyutin(Lutein) iyo saksansin (Zeaxanthin) aya waxay ku ururayan halka lagu magacabo Retina.
Ratinadu waa qayb kamida indha, qabilsan inay iftinka ubadasho farin kadibna lodiro maskaxda.
Waxay madooyinkasi ka ilaliyan iftin badan inu kudhaco indhaha iyo kalarada qaar dhib ukeeni kara araga.
5. Waxa uu caabiya dheefshiidka
Cambaha waxu saacida/caabiya habdhiska dheefshiidka, sida laga sooxigtay book lagu magacaabo Hiilin fuudis (Healing Foods) iska leh DK publishing, waxey tilmanayyan Cambaha in uu kujiro dhecan (inzaymis-Enzymes) fudeydinayo burburinta iyo dheefshiidka barotiniska (Proteins) iyo faybariska(Fibres) islamarkana sare uqaada badqabka iyo caafimaadka dheefshiidka.
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qaybta Su’alaha(Ask Question).
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 23th/12/019