Cinwan Hosedyada
B.Hordhac:
Babaasiir waa xaalad ay bararayan xididada kuyeela futada mise malawadka qaybta hoos (Lower part of rectum). Waxa afka qalaad lagu yidhahda Himaroyidis (Hemorrhoids). Magaca kale uu leeyahay waa Baylis (Piles).
kudhowad waxa laqiyasa in 50% dadka da’doodu tahay 50 jir ay isku arkan bawaasiir. Babaasiirtu waxay kamid tahay xanuunada keena qofka in uu kadhiigo malwadka/Mareegtada(Rectal bleeding).
T.Maxa keena?
Lama oga waxa xanuunkani sida dhabta ah ukeena laakiin, waxa jira waxyabo fudeydinkara sida hadii uu cadaadisku kubato mareegtada/malwadka waxay saameyn kuyelanaysa qulqulka dhiiga iyo in xididada noqdan kuwa bararsan. Xaaladaha keeni kara waxa kamida:
1.Hadii mindhiciryada lawaxyeleyo sida dhawaca
2.Hadii qoyskaga horey uqaben
3.Hadii aad calool-istag kacabaneysay mudo fog
4.Fadhiga badan gaar ahaan xiliga xaajada(In kabadan 15 daqiqo)
J.Maxan ku aqoonsada?
Calaamadaha uu yelanayo Babaasiirta waxa lagu saleeya nuuca uu yahay sida owgeed, waxa jira ilaa 2 nuuc waxay kala yihin:
1.Babaasiirta gudaha(Internal Hemorrhoids)
Nuucani waxa uu kudhexyeela gudaha malwadka, inta badan ma’ahan kuwa muuqda lagumana arko wax calaamad ah laakin, hadii ay sogadhan dhawac waxay keenan:
1.1)Dhiig aan lasocon xanuun gaar ahaan xiliga xaajada
1.2)Babaasiirtu inay kaso muuqato marinka futada (waxa lasocda xanuun)
2.Babaasiirta dibada (External Hemorrhoids)
Nuucani waa nuuca ugu badan ay dadku yeeshan, uguna dhib badan, calaamadaha uu yeelanayo waxa kamida:
2.1)Cuncun daran
2.2)Xanuun
2.3)Barar
2.4)Dhiig
2.5)Qofka waxa dhibkunoqda fadhiga
X.Yaa unuglan kara?
Markasta oo ay da’daadu korodha, waxa badanaya fursada uu xanuunkani kugu dhici laha waayo, waxa dacifaya/hoos udhac ku imanaya unugyada, xididada malwadka iyo futada.
Sidokale xanuunkani waxa unuglan kara sida:
1.Hooyada uurka leh
2.Dadka Buuran/Cayilan
3.Dadka sida joogtada ah culeyska uqaada
Kh.Maxa lagu daweya?
Babaasirtu intabadan wax dawo ah umabahna, iskiisa ayuu iskaga bogsada, waxa kugu filnan kara inaad isticmasho xanuun jojiye iyo isbadel inaad kusameyso qaabkad unoshahay sida cunada.
Hadii ay talaaboyinkasi shaqeen waayaan waxa macquul ah inuu dhakhtarkaga udaweyo qaab qaliin ah.
Fadlan hadii atahay hooyo uurleh, waxan kula talin lahayn inaad dhakhtarkaga laxidhidho kahor intanad isticmalin wax dawo ah mise wax kabasho cunadaada.
Dawenta Guriga
Qaabka lagu magacabo Sitz bath (waxad kufadhisanaysa biyo diirimad leh ilaa 15 daqiiqo) waxu kacaabinaya in uu kayareeyo xanuunka iyo cuncunka.
Waxad badineysa qubeyska adigo futada kunadifanayo biyo diirimad leh, waxad iska ilaalisa inaad adeegsato wax saabuun ah waayo, waxay kugu kicin karta bawaasiirta.
Haydarokortison (Hydrocortison) iyo Himaroyidis karem(Hemorrhoid Cream) waxay kamid yihin Dawoyinka la ogolyahay inad kaso iibsato meelkabaxsan dhakhtarada/isbitalada sida farmasiyaha, waxa ay kugu caabin karan inay kayareyan xanuunkan iyo cuncunka.
Hadii aad arki waydo wax isbadal ah kadib Dawenta guriga mise aad isku aragto dhiig xiliga xaajada waxa wanaagsan inaad lakulanto dhakhtarkaga mise dhakhtarka kugu dhow.
AFEEF:
Qoraalkan kama turjamayo qof shaqsi mise koox dawayntooda kaliya waxaynu ugu talagalnay waxbarasho.
D.Maxa dhici kara hadi ladawenwayo?
Hadii ladawenwayo waxa dhici kara:
1.Dhiig-yaran(Anemia)
2.Dhiig xinjirow(guda babaasirta)
R.Siden ugu hortagi kara?
Qaabka ugu wanaagsan bawaasirta loogu hortagi karo ayaa ah in saxarada in ay noqoto mid jilicsan siday ufududato soomarida marinka, waxa yabaha saxarada jilciyada waxa kamida:
1.Cunada ay kubadantahay Faybariska(Fibers)
Faybarisku waa qayb kamid ah karbohaydaretiska(Carbohydrates), Jidhkeena abood uma lahan in uu burburiyo 100% sidaa daradeed, waxaa laso raaciyaa saxarada si ay calool socodka uwanajiso.
2.Biyo cabid badan
Inlacabo 6 ila 8 koob(Glass) oo biyo ah waxay wanaagisa colool socodka
3.Jimicsiga
Guud ahaan jimicsigu waxa uu dawo uyahay xanuuno badan, gaar ahaan marka laga hadlayo bawaasirta waxu yareeya colool istaaga iyo cadaadiska xididada, islamarkaana jidhkaga waxu kadhigaya mid isudheelitiran.
Hadii ay jiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu sogudbi Qeybta su’alasha (Ask Question)
Mahadsanid,
Qalinka: Dr.Mas’ud Sayed,
On: 27th/01/2020
Updated on: 24th/02/2021