Su’al:
Booska sokabashada – Hadii aad gargaarka degdega ah usameynayso qof miyir belay (ogaal lahayn) laakiin neefsashadiisu ay fiicantahay, side bad usexin lahayd?

Jabaab:
Qof ogaal belay laakin, neefsashadiisu ay wanaagsantahay waxa looseexiya qaabka Rikofari Bosishan(Recovery Position). Rikofari Bosishanka waa talaboyin isxigxiga, micna ahaan waxa loogu jeeda Booska Sookabashada, waxay dhibanaha kasaacida neefsashada. Waxay kala yihin:
1.Marka hore Tu’i(Jilba-jabso) kadib gacanta dhibanaha dhankaga xigta xagaaga uso dhaqaaji adigo sare ujeedinaya sacabka(Palm facing up).
2.Isticmal/adeegso gacantada mida udhow madaxa dhibanaha kuna qaba gacanta 2bad ee dhibanaha, kadib usaar dhabanka dhiniciisa(Cheek),silo fudeydiyo jeedsashada dhibanaha.
3.Gacantada kale u adeegso jilibka dhibanaha dhanka kale kaxiga, kadib sare ulaab.
4.Si taxaddar leh dhibanaha dhankaaga uso rog/gadi adigo xagaga uso jidaya jilibka dhibanaha.
5.Madaxa dib u celi adigo sare u qaadaya jinta/garka dhibanaha waayo waxay hawamareenadu ka ilaalisa inay xidhman.

N.B Sidhow ula soco xaalada guud ee dhibanaha, gaar ahaan neefsashada inta laga gaadhayo goob caafimaad.
[ratings]
Hadii ayjiran su’al laxidhidha casharka fadlan noogu soogudbi Qeybta su’alaha (Ask Question).
Mahadsanid,
W.Q: Dr. Mas’ud Sayed,
On: 20th/01/20
Updated on: 24th/02/2021
Last Updated on 4 years by Mas’ud Sayed